Daraasadda Baahida wadajirka ah ee Soomaaliya iyo barnaamijka Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Qaab-Hawleedka Siyaasadda Dhaqaalaha Asaasiga Ah iyo Horumarinta Xogta: Koobidda Diraasadda June 2006 UNDG World Bank Qaab-Hawleedka Siyaasadda Dhaqaalaha Asaasiga Ah iyo Horumarinta Xogta: Koobidda Diraasadda 1. Dulucda. Tirada dadka oo ah 7.7 million, iyo dakhliga qofka oo ah $2261 (oo u dhiganta$515 celceliska Afrikada Saxaaraha ka Hooseysa (SSA)2. Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ugu saboolsan aduunka. Waqtigii 1980dii, Soomaaliya waxa ka dhacay istag koritaanka wax- soo-saarka qofka, dayac foodsaaray kabayaasha, hoos u dhac adeegyada dawladda, iso- dheelitrilaan dhaqaalaha assassiga ah, iyo koritaanka dhaqaalaha oo hoos u dhacay 1988-90. Waqtiga dhexdiisa malgelin ka timi debedda aya sahlay qaar ka mid ah kharjka dawladda ee adeegyada bulshada. Hase ahaate, kharjka badidii ma ahayn waxtar leh, taas oo ee sababtay tamar yari, musuqmaasaqa shaqaalaha dawladda iyo hogaanka sayaasiga ah oo fiicnayn. Sicir bararku waa sareeyey 1980dii oo dhan, taas oo ee sababtay balaarinta deynta u bixinaayey Bankiga Ganacsiga ee dawladda oo la siinaayey dad iyo ganacsii aan mudnayn in wax la amaahiyo oo ee naas-nuugnaysay dawladda xukunka haysay. Waxaa kale oo sicir bararka kordhiyey lacag abuuridda iyo bankiga oo malgeliyey isdhinka miisaaniyadda dawladda. Burburka Bankigii Ganacsiga, lumidda lacagihii dadka u lacagaha u hayey, ba dhaliyey kalsoondaro dawladda iyo buunkta. Qaabka cashuuraha mid aan haboonayn xaga dhaqaalaha fulintiiso na dadgtahay, isla markaas na maamulkiisu u tamar yara. Dakhliga marka loo eego dhaqaalaha guud ama GDP wuxu gaaray boqolkiiba 5 ila 7, sanadihii u dhaxeeyey 1984 iyo 1990, ka soo hoos ka mid ah hoosdhacyada ugu badan Afrika. 2. Ila 1991 dhaqaalaha waxa si xun u saameeyey abaaro, dawlad laan iyo dagaalo sokeeye. Halkii 1970yadii iyo 1980yadii wax-soo-saarka warshedaha yar yar iyo adeegyada badidood ee qabangertay dawladdu, waxaa aad u soo kordhay maalgelinta khaaska ah (in kastoo aan la qiyaasin) xaga ganacsiga oo ee ka midyihiin bayac-mushtariga; xawaladaha lacagta; gadiidka; isgaarsiinta; diyaaradaha; iyo adeegya kale sida dhismaha; hoteelada; tacliinta; iyo caafimaadka; iyo qalabka kaluumaysiga oo laga malgeliyey lacagaha debedda laga soo xawilay. Lacagaha la soo xawilay waxay gaaraayan ugu yaran US$1 bilyoon sannadkii, oo ah boqolkiiba 71.4 ee dhaqaalaha guud (GDP), oo u dhiganta celcelis US$370 malyoon sannadihii 1980yadii iyo 1990yadii. Malgelinta ajnabiga ah aad bay u yarayd sanadahan dambe. Haddi la ego dhaqdhaqaqa qeybaha dhaqaalaha ee runta ah, beeraha, siiba dhaqidda xoolaha iyo wax-soo- saarka miraha ba ugu badan dhaqaalaha guud (GDP). 3. Jiritaanka faqrigu aad bu u saraya, iyada oo bogolkiba 43 dadweynaha ee ku noolyihiin heerka faqriga oo ugu hoosaya ee ah awood wax gadasho malmeedkoodu ku egyahay $1 malintii 3. Heer saboolnimada baadiyaha waa boqolkii ba 53, ka soo ka sareeyey kan magaalooyinka oo ah boqolkiiba 24 (Saxda 1.3). Haddii la eego heerka faqriga marka awood gadasho ee qosku ee gadho US$2 malintii maalintii, wuxu gaara boqolkii ba 61 reer magalka iyo boqolkiiba 80 dadka ku nool baadiyaha, halka iskucelcelskoodu u gaaro boqolkiiba 73. Sinaanlaanta dakhliga aad bu u sareeya iyo cabirka loo yaqaan GINI oo gaaro 0.4, qosaska marka la isbarbardhigo. Tirakooba qosaska waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 10 ugu faqiirsan ee helaan boqolkiiba 1.5 dakhliga 1 UNDP/WB, Somalia: Socio-Economic Survey (Tirakoob Bulsho iyo Dhaqaale), 2002 2 WB World Development Indicators (Tusmooyinka Horumarka Aduunka), 2002. 3 Sugitaanka xogta faqriga waxaa sal u ah diraasad lagu sameeyey trakoobka qoysaska oo Soomaaliya laga sameeyey 2002, taas oo ka duwan diraasadaha ku salaysan diraasadaha kharajka qoysaska ee laga sameeyey wadano kale of Afrikaan ah. guud ee Soomaaliya soo gala, halka boqolkiiba 10 ugu hodonsan ee helaan boqolkiiba 35.6 ee dakhliga guud (UNDP, 2003). Boqolkiiba 47 dadka heer shaqo gaarey ma shaqayaan. 4. Yoolka. Marka la eego qaab-hawleedka sayaasadda dhaqaalaha assassiga ah, soo jeedinta aragtida yoolka dhaw iyo kan waqtiga dhexe waa si (a) loo dhiso oo loo dhawro xasiloonida dhaqaalaha assassiga ah, taas oo ee ka midtahay horumarinta dakhliga dawladda oo haboon oo kobocsan, (b) dhisid shaqale iyo hayaada dawladeed oo leh miisaniyad habaysan, hab maareeyn maaliyadda iyo dakhliga, iyo (c) dib-u-dhis adeegyada maaliyadda. Sida oo kale waa in waxaa muhim ah in la dhiso hab xog ururin, si loo helo xogaha looga baahanyahay sugitaanka kormeerka horumarinta bulshada iyo xogogaalnimo sax ah ee dhaqaalaha oo loo lagu salayo sayaasad sax ah ee hormarinta sayaasadda dhaqaale iyo dhismaha hayaadaha dawladda. 5. Sugitaanka xasiloonida dhaqaalaha assasiga ah. Habka ugu haboon ee lagu hubinkaro dhaqaale xasiloon waa in laga feejigaado miisaaniyad aan dheeltirnayn ee heerarka dawladda oo dhan iyo xakamaynta suuqgelinta lacag Somalí aad u badan suuqa. Si loo helo kalsoonida dadweynaha, waa in dawladuha kharjkoodu ku ekaada dakhligooda oo ka yimaada dawladda iyo kalmada horumarinta oo hoos u dhacidoonta barnaamijka shan sano ka dib. Marka la tixgelio dhaqaalaha oo ku salaysan dollarka wareega lacagta si aad ah looma maamulikaro. Hase yeeshe wareega lacag Soomaliga waa muhim si qiimeheeda loo xasiliyo. Waxda Sayaasadda Asaasiga ah ee Dhaqaalaha ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Waxda Sayaasadda Lacagta ee Bankiga Dhexe, waa in samayaan oo fuliyaan sayaasadda dhaqaalaha assassiga ah, marka ee suuragal nogoto. Hase yeeshe labada sano oo hore, kooxo yar yar ee baa ku filan in ee shaqadaas sii qabtaan, taas oo ku salaysan koobnaanta hantida qaran oo la helikaro. Waaxda Sayaasadda Dhaqaalaha Asasiga ah, ama koox, ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ba masuul ka noqonaaya qorsheynta isbedelka sayaasadda cashuuraha, malawaalka dakhli ee miisaniyadda sannadeedka, kormeerka ururinta dakhliga bil kasta iyo soo-saaridda xisaab mala’awaal ee sadex-bilood ah ee dakhliga sannadka. 6. Ururin dakhli qaran. In kasta oo cadad deeqbixiyaal ee danaynayaan in ee Dawladda Kumeelgarka ee Federaaliga (TFG) ah siiyaan kaalmo miisaaniyad si u badhitaalaan dhismaha dawladda, baahida loo qabo kalmada noocaas ah wa in si tartiib ah loo yarayaa. Runtii, sii socodka kalmadas dibedda wuxu ku xiranyahay in dawladdu ee haysato kalsoonida shacabka Soomaalida ah iyo muujinta midnimada humada si ee u ururiso dhakhliga dawladda. Sida daraadeed hawlaha u bahan waxqabad deg deg ah waa in dawladdu ee abuurta hab cashuur ururin heerarka federalka, gobolada iyo degmooyinka. Mudnaantaas sare daraadeed, waxa lagu talinaaya in TFG ee hab lagu ururinaayo dakhligaas ee meel marisa sannadka ugu horeeya oo ah 2007. 7. Madam dakhli ururin ee waqtiyada dawladda cusub la asasaayo ee culustahay, waxaa haboon in waqtigaas xooga la saro cashuuraha badeecadda dibedda laga keenaayo. Isla markaas si maamulka cashuuraha loo fududayo intii suragal ah, kharjka fulinta na loo yareeyo, waa in habka cashuur ururintu u ahaada mid fudud. Taasi waxa ujeedadeedu tahay cashuur ku salaysan qiimaha badeecadda oo hooseysa oo ah 5-8 boqolkii ba qiimaha bidaacadaha la soo dejiyo belowga oo la kordhiyo marka habku taabbagalo. Badeecada yar oo kuwa fakihaysiga ah iyo ku caafimaadka ama degaanka waxyeelaya cashuurtooda kor waa loo qaadikara. Meeshii laga qaadilahaa cashuur dakhli, waxaa haboon in la soo rogo cashuur dhoofinta xoolaha iyo lacagaha xawaaladaha, marka ee suurgal noqoto qaadista cashuur dakhli na lagu bedelo. 8. Waqtigan ma jiro hab cashuur maamul oo ee leedahay Dawladda Federaliga ah, heshiisna lama leh Soomaaliland iyo Puntland xagga ururin cashuuraha oo qeexaaya kalinta labada dawladood iyo Dawladda Federaliga. Waqtiga dhow waxa loo haboon in la qeexo qeebsashada cashuuraha ee heerarka kala gedisan ee dawladda iyo goa’aminta sharciyada xukumaaya maamulka cashuuraha federaliga ah. Sida ugu dhakhsa badan oo suurgal ah waa in la assasa waxa ururin cashuuraha oo kooban isla markaas na mushahar fiican la siiyo. Baahida loo qabo hab maamul ee la fiirinkaro oo lala xisaabtami karo, ba keynaysa in ee ahaato mid kooban oo madax banaan oo mushahar fiican la siiyo oo ku salaysan shaqaale lagu qaatay aqoon iyo karti keliya. Isla markaas, waxaa loo baahanyahay in la xoojiyo maamulada cashuur ururinta ee ka jira Soomaliland iyo Puntland, si ee karti ugu fuliyaan hawlaha cashuur ururinta. 9. Waxaa kale oo ka jira Soomaaliya dhisma maamul hoosadyo ururinta dakhliga. Degmooyin yar ba leesannada cashuura ama qaada kharjka adeegyo, hase yeeshe aan lahayn hab xisaabeed la hubinkaro. Sida daraadeed, waqtiga gaban, waxaa loo baahanyahay dhisidda qeebo maamul oo kooban iyo shaqaale loo qoro. Isla markaas na waa in la bilaaba tababar xagga combutarka, hab diwaangelin, nidaam cashuur ururin iyo hab fudud ee miisaaniyad iyo xisaabin. Qeebahaase waa in ee diyariyaan miisaaniyad ku meel gaar ah ee dawladaha hoose ee sannadka 2007 iyo miisaaniyad fudud ee sannadka 2008. Waqtiga dhexe, qeebahaase waa in ee xoojiyaan qorshaha maaliyadeed, miisaniyad samayn iyo hab xisaabeed oo ku salaysan tababar la xiriira shaqada oo socota. Taas waxay suragelinaysa jiritaan maamul hoosaad kooban oo fuliya adeegyada bulshada, iyaga oo la kaashanaaya deeq-bixiyaasha iyo NGOyada, si horusocod ah na ubalaariyaan ururinta dhakhliga dawladdaha hoose. 10. Dhisid hab maamul qarameed fiyow. Mudnaan weyn oo labaad wa dhisidda hab maarayn xisabta qaranka, iyo hab miisaniyad ee la hubinkaro. Heerarka kala duwan ee dawladda oo dhan waxay u baahanyihiin hab maamul maaliyad oo karti iyo jiritaan dheer ku salaysan oo siinkara maamulka xog lagu kalsoonaan karo ee maareeynta heerarka maamul ee kala madaxbanaan macluumad waqtiga ku haboon, si loo hubiyo in maalgelintii loo isticmaalay meelihii logu talagalay, isla markaas kasba kalsoonida dadweynaha. Inta waxa dheer iyada oo deeqbixiyaashu iyo kaqeebgalyaasha horumarintuba ee ku kalsoonaan donan dawladda, taas oo saamayn ku yeelandoota kalmada horumarinta ee la helidoono. Taas waxaa dheer iyada oo loo baahanyahay in habka deginta miisaaniyadu u ahaado mid aan qarsoonayn oo wadatashi lagu samayo loo sii xoogiyo taageerada dadweynaha. Waqtigan jooga, Dawladda Federaliga ah la’dahay maalgelin iyo cudud shaqaale dhisan sii ee u dhisto hab maamul maalgelin ee heerka dawladda dhexe iyo Koonfurta Bare ee dalka, isla marka ee Puntland iyo Somaliland ee leeyihiin awood kooban oo u baahan xoojin. 11. Si loo daboolo bahidaas, waxa la soo jeedinaya in, labada sano ee hore, hashiis lala galo haya’ad Maareenta Lacagta iyo Wax-soo-iibsashada, taas oo ka qeeb noqota barnaamig balaaran ee dhisidda haya’adaha maamul iyo tabagelin ee ka midyihiin: isticmaalka combuutorada, iibsashada barnaamijyada combuutarado ku shaqeeyaan, xisaabadka iyo maamulka lacagta, wax- soo-gadashada, iyo habka samaynta miisaaniyad dadku ka qeebqaatan. Waxaa kale oo loo baahanyahay in la cadayo habka haya’adaha dawladu lacagaha isgudirikaraan iyo degenta shurucda loo baahanyahay (sida wax-soo-gadashada) iyo habka haya’aduhu ugu dhaqmilahayeen hab maamul maaliyad oo toosan. Si habkaas loo hergeliyo waxa loo bahanyahay shaqaale iyo waxyaabihii lagu hawlgelilaha heerka kala duwan ee dawladda sida tan dhexe, gobolada iyo dawladaha hoose. 12. Koonfurta Bare harrintaasi waxay u baahantahay in ibir laga Bilbao. Puntland iyo Soomaaliland na waxa loo bahanyahay in la xoojiyo heerka awooda haya’adaha jira. Tusaale ahaan waxa loo bahanyahay: samaynta nibaam dhan ee habka wax-soo-gadashada, bedelka shurucada loo bahado in la bedelo, samaynta qeeb wax-soo-gadida, tababarka shaqaalaha iyo samaynta qoraal qeexaaya habka qandaraas baahinta iyo bixinta. Arrimahaase na waa in ee ku salaysnaadaan dib- u-eegidda dastuurka iyo hab maamulka heerka kala duwan ee dawladda. Heerarka dawladda oo dhan, habka maamulka maaliyadu waa in u ku salaysnaada fulinta adeegyada sii la arkikaro lolana xisaabtamikaro. 13. Dhisidda shaqaalaha rayidka ah. Arrinta ugu muhimsan ee mudnaan deg deg ah mudan xaga shaqaalaha rayidka ah waa in Dawladda Federaaliga ahí: (a) shaqaalaysa koox yar oo aqoonyahano ah oo noqda qeeb la talin ee Madaxweynaha, Raiisal Wassaraha iyo Wasiirada, (b) dhameystirka dhismaha guddiga shaqaalaha rayidka ah, sii ee gacan uga geestaan qorista shaqaalaha dawladda oo ku salaysan aqoon, isla markaas na ee kala taliyaan xiriirka sácala heerarka federaalka, gobolada iyo degmooyinka, (c) tabagelinta hab maareeyn iyo xisaabid ee miisaaniyadda dawadda, sii ee u suuragasho diyaarinta miisaaniyadda, fulinta haboon oo qeexan ee maamulkeed, iyo (d) dhisidda awood hab miisaanyadda lagu helikaro. Baahida waqtiga dheer ee aan fududayn waa in sii tartiib ah loo dhiso awoodda TFG si ee ku gaarto awood adeeg fulin loo fidiyo dadka saboolka ah ee koonfurta, oo aan hadda lahayn dawlad rasmi ah oo shaqeesa. Qoritaanka shaqaale dawlad wuxu dhalinkaro iska-hor-imaad. Shaqa qoristu waxay u baahantahay hab sayaasad oo cad ee meel loogu hagaagikaro oo laga fuliyo qeebka dawladda iyo NGOyada ba. Taas waxaa dheer in iyada oo la tixgelinaayo aqoonta iyo khibradda shaqaalaha dawladda, isla markaas na la ilaaliyo sinaanta haweenka iyo ragga, si loo suugo iso- dheeltirkooda. 14. Puntland mudnaanta xagga shaqaalaha dawladda waa dib-u-eegista kaalinta iyo shaqa fulinta Puntland, gobolada iyo degmooyinka, wasaaradaha iyo haya’adaha madax banaan, taas oo lagu xejiiyo dhisidda awood shaqo iyo tababarka loo bahanyahay si loo gaaro yoolka la rabo. Soomaaliland mudnaanto waxaa tahay in la sii wado hawsha iso-dheel-tirka shaqada iyo shaqaalaha si dawladda dhexe, goboladda iyo degmooyinku si ee u fuliyaan adeegyada heerkaas loga baahanyahay. Puntland iyo Soomaaliland, labadaba, waxaa waa in la isu dheeltira haweeynka iyo ragga. 15. Balaarinta adeega maaligelinta. Horumarinta ama balaarinta adeegyada maalgelinta, waxay lagmamaarmaan u tahay dhaqaalaha gaarka ah si u gaaro koritaan awood. Si taas loo gaaro waxaa loo bahanyahay marka hore, in xooga la saaro sidii loo dhiirgelinlaha imaatinka iyo furitaanka ee Soomaaliya bankiyaal lagu kalsoonaan karo, iyo balaarinta haya’adaha kale ee aan buunuug ahayn ee fuliya adeegya fidiya amaaha yar yar. Taas waxay khasbaysa in la meelmariyo shruuc iyo nidaamyo la raacikaro oo la kormeer karo, izado lala kaashanaayo bankiyada ama dad maalgelin isku darsada ee ka imaankara gudaha iyo dibedda ba. Horumar wuxu ku imaankara marka la abuuro jawi ee maalgeliyaasho ka helikaran faaiido macquul ah si ee u balaariyaan shaqadooda. Taas waxay ku dhalankarta marka xoogiyo qaab maamulka shariikadaha iyo ilaalinta xuquqda lahaanshaha gaarka ah. 16. In kasto maqnaanshaha sayaasad lacageed ee yaraynayso baahi deg deg ee loo qabo adeegyada Banki Dhexe oo dhan, waqtiga dhexe waxaa waa loo baahanyahay in la tabageliyo Banki Dhexe oo leh awood fulin sayaasad lacageed. Isla markaas marka la hergeliyo jiritaanka haya’adaha maaligelinta waa in laga fakira sidii loo keeni laha lacag cusub oo heer qiimeheedu sarayo. 17. Sugidda macluumaadka tirakoob ee loo bahanyahay. Maqnaanshaha haya’ad rasmi ah ee tirakoob ee Soomaaliya, ururinta xogaha iskuma xiriisana mana dhamaystirna. Maqnaanshaha dawlad iyo haya’adaha la xiriira, iyo xaaladda dagaalada ee jirta aya wiiqay ururinta iyo habaynta tirakoobyada. Qar ka mid ah tirkoobyada dhaqaalaha assasiga ah sida dakhliga qaranka, deelitirka xisaabta qanacsiga dibedda, iyo wareega lacagta ma jirin Soomaaliya mudu gaareesa labaatan sano. Sida oo kale trakoobyada bulsho oo loga bahanyahay si loo qorsheyo mashariic bulsho oo si fiican loo malawaalo. Waa lagamamaarmaan in la helo trakoobyo lagu kalsoonaankaro oo goa’ano sayaasad dhaqaale, qorshe iyo miisaaniyad degin lagu qaadankaro. Tirakoobyadu waxa isla markaas qeeb muhim ah ka qaataan habka fulinta, kormeerka iyo babagalka mashaariicada, taas oo lagu sugaayo tabagalkooda lagu kalsoonaankaro. Waqtigan waxaa Soomaaliya ka jira macluumad yari, laan shaqaale tababaran iyo awood dhaqaale ee lagu fuliyo ururinta xog trakoob ee arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha. Dib-u-dhisaka hab Haya’adda Tirakoob ee Soomaaliya, wuxu u baahanyahay hab maamul dhismeed ee cusub. Waxaa jirta baahi in la qorsheeyo oo la fuliyo qorshe qaran ee xog ururin iyo horumarin oo ee iska kaashadaan haya’adaha xogta isticmaalya iyo kuwa ururinaaya. 18. Mudnaanshaha xog ururinta Soomaaliya waxay ka koobantahay: tirakoobka dadka, iyo siiwadida ururinta macluumaadka ama xogta bulshada iyo dhaqaalaha assasiga ah. Xogta ugu mudnaan saraysa waa tirakoobka dadka, maadaam ee muhim u tahay malawaalka sayaasadda dhaqaalaha guud ee na assass u tahay tirkoobyada kale, sida (tirkoobyada qoysaska). Hase yeeshe tirkoobkaas waa in la fududaya iyada oo lagu koobayo xogyaasha yar ee ugu muhimsan si loo fududayo fulinteeda. Madaam ee muhim tahay awood dadka iyo tayada oo hoos u dhici karta, waa in tirkoobkaa dadweynaha ku salaysnaada iso kala saarid dhadiga iyo labka, si loo qorsheeyo maalgelin lageliyo horumarinta bulshada.