QORAAL QABYO AH 01 Lama qaybinayo Daraasadda Baahida Wadajirka ah ee Soomaaliya (JNA) Warbixin Kooxeedda Maamul wanaagga, Nabadgalyada, sharciga iyo kala dambaynta DULMAR KOOBAN June 16, 2006 Hay’adda Qaramada Midoobay ee barnaamijyada Horumarinta Bangiga Adduunka Daraasadda Baahida Wadajirka ah ee Soomaaliya (JNA) Warbixin Kooxeedda Maamul wanaagga, Nabadgalyada, sharciga iyo kala dambaynta DULMAR KOOBAN Hordhac 1. Soomaaliya ma lahayn dawlad wax ku ool ah 15 sanadood. Waa ay samata-baxday, laakiin barwaaqo ma aysan gaadhin. Maamullo kala duwan ayaa buuxiyey halkii ay duntay dawladdii Soomaaliyeed 1991kii oo ay ka mid tahay nidaamyada aan rasmiga ahayn oy kaalin ku leeyihiin qabaa’ilka, ganacsatada, Culumaa’udiinka, iyo kooxaha rayidka ah. Gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, mamulladaas aya ka wada adeegyo lixaad leh oo ay inta badan ee bulshadu ka faa’iidaystaan, islamarkaana adeegyo kala duwan oo la xiriira nabadgalyada, garsoorka iyo saadaalinta iska horimaadyo iyo degenaan la’aansho soo food leh. Iyadoo ay meesha ka maqan tahay kaalintii dawlad xayi ah, Puntland iyo Somaliland waxay taabagaliyeen nabad iyo xasilooni ay gobolladooda ka hirgeliyeen, hase yeeshee, weli aad bay u liitaan adeegyada bulshada ee loo baahan yahay. 2. Inkastoo ay dabacsaan ka muuqato bulshooyinka degaanka iyo ganacsatada, waxaa maqan ama aad u taag daran dawladda1 oo ah xididka tilmaamaha horumar la’aanta sida lagu mujiyey warbixinta horumarinta shaqaalaha Soomaliya2. Iyadoo halkaasi ay jiraan is-xilqaan ganacsato badan ay u qabanqaabiyeen sidii ay nolosha u hagaajin lahaayeen, iyadoo qaar kalena ay ka faa’iidaysteen xasilooni darrida iyo iska horimaadyada aan la saadaalin Karin ee jira, bulshada ganacsatada ah walow aysan si guud barwaaqo ugu tallaabsan. Sharci la’aanta, barakaca iyo xaaladaha guracan ee lagu waxyeeleeyey deegaanka 15kii sano ee tegey ayaa si ba’an u sii murgiyey khayraadka dabiiciga ah ee soomaaliya, taas oo saamayn weyn ku yeelan doonta hanaanka wax soo saarka mustaqbalka iyo heer nololeedka bulshooyinka reer miyiga ah. . Hadafka guud iyo Qaybaha ujeeddada muhiimka ah 3. hadafka guud ee Kooxaynta maamul wanaagga, nabadgalyada, sharciga iyo kala dambaynta waa in laga taageero dadka Soomaaliyeed horumarinta maaamul wanaagga iyadoo loo sii marayo huftaanta,sharci ahaanta iyo dib-u-heshiisiinta deegaannada; taas oo ay ku abuuri karaan: hay’adaha dawladda si loo xaqiijiyo ammaanka iyadoo la sugayo sharciga iyo kala dambaynta, islamarkaana la xoojinayo waaxda gaarka ah, lana dhiirigeliyo maalgelinta caalamiga ah iyo ganacsiga; si loogu googol xaaro maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha si markaasi loo taageero kobcinta iyo dib-u-soo-kabashada heer nololeedka colaaddii dhacday; iyadoo adeegyada la gaarsiinayo dhammaan dadka Soomaaliyeed, taas oo la sii marinayo maamulka deegaanka oo ay horsed ka yihiin hindisayaasha ay bulshadu abaabushay, lana kaashanaya qaybaha ay hawlaha la wadaagaan, sidaas darteedna loo fududaynayo maalgashiga lagama maarmaanka ah ee dhinaca dhaqaalaha bulshada, gaar’ahaan, caafimaadka iyo waxbarashada, si loo xaqiijiyo Yoolasha Horumarinta Millennium-ka. 4. Dhismaha nabadda iyo abuuritaanka maamul wanaagga ayaa labaduba ah ujeeddooyinka ugu muhiimsanee ka soo if-baxay daraasadda wadajirka ah ee Soomaaliya (JNA). Caqabadaha hortaagan dawladda federaalka ah ee ku meel-gaarka ah (TFG) waa sidii loo gaadhi lahaa horumar lixaad leh ee dhismaha nabadda seddexda sano ee nagu soo fooleh, iyadoo asaas adag loo samaynayo hannaanka mamul wanaagga oo la taabagaliyo sannadka 2011. Inkastoo horumar la taaban karo ay ka gareen dhinaca ammaan sugidda Somaliland iyo Puntland balse waxa 1 Erayga “dawlad� waxaa loo isticmaalaa dawad aan lahayn haykal dhisan, iyadoo aan tilmaamaynin heer joqraafi ee dawlad(sida heer qaran, gobol, dawlad iyo deegaan). 2 Soomaaliya waxay ku dhacdaa darajada 161 ee 163 waddamada sida lifaaqa horumarinta xoogsatada ee UNDP- 2001. Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 1 2006, page 1 raadeeyey maamul liitan ee hay’adaha dawliga ah, welina waxay u nugul yihiin iska horimaadyo meelo badan oo degaannadaas ka mid ah, gaarahaan degmooyinka xudduudaha. Aragtida iyo ujeeddooyinka Istaraatiijiyadda Laba iyo tobanka ujeeddooyinka Istaraatiijiyadda waxay ka kooban yihiin aragtiga maamulka, ammaanka, sharciga iyo kala dambaynta muddada u dhaxaysa 2007-2011, waana sida hoos ku qoran, iyadoo loo soo bandhigayo qaab la xiriira bafarta koox-hoosaadyada ee loo adeegsado hab-raacyada JNA. Dib-u-hshiisiinta iyo ku dhaqanka sharciga 1) dib-u-heshiisiinta. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiintu wuxuu ku guulaystay: sare u qaadista hub-dhigista, abaabul-ka-saarka iyo dib-u-dhafidda maleeshiyooyinka; xallinta khilaafaadyada dhulka iyo hantida; in la abuuro jawi garsoor ku meel gaar ah oo raalligelin kara dadka Soomaalida ah ee waxyeeladu soo gaartay; iyadoo loo horseedayo toobiye ku habboon dhinaca wada hadalka bulshada dhexdeeda, kaas oo oggolaanaya qaab doorasho iyo wada hadal siyaasadeed oo u suuragalinaya in si wadajir ah looga wada qaybgalo kooxaha bulshada oo dhan, ayna ka mid yihiin dhallinyarada iyo haweenka. Dhinaca Puntland iyo Somaliland, geeddi- socodka dib-u-heshiissinta ayaa horumar laga sameeyey, iyadoo khilaafaadka deegaaannada lagu xalliyo wada hadal, lana kordhiyey kaalinta ka qabgalka maamulka dhalinyarada, haweenka iyo kooxaha laa tirada badan yahay. 2) Garsoorka iyo ku dhaqanka sharciga. Nidaamyada Garsoorka rasmiga ah iyo kan dadban ayaa la horumaiyey, iyadoo la isku dhafay, islamarkaana u shaqaynaya qaab la siman heerka xuquuqda aadamiga caalamiga ah; waxaana fursad loo siiyey in dhamman bulshada labadaraadle, kuwa dulman ama lagu gaboodfay sida saboolka, haweenka, carruurta iyo muwaadiniinta kalaba ay helaan xurmada buuxda ee ay sharciga ku leeyihiin, ayna fahamsan yihiin xuquuqdooda iyo awoodaynta hawlgalladooda. Amniga 3) Hub-ka-dhigista, abaabul-ka-saarka iyo iku-dhafidda (DDR) malashiyaadka. Hawlaha DDR si buuxda ayaa loogu baahiyey gobollada Soomaaliya. 4) Booliiska. Si taabbagal ah, waafaqsanna adeegyada bulshada rayidka ah ayey uga socdaan dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, taas oo ku wejahan baahida siyaasadda deegaanka iyadoo gacan buuxda iyo wada shaqayn laga helayo bulshada. 5) Wax-ka-qabadka Miinada. Miinada iyo waxyaabaha qarxa si taabbagal ah ayaa loo nadiifiyey, iyadoo barnaamijka taageerada dadka ku waxyeeloobay u gacan u fidinayo, kaas oo laga hirgeliyey dalka wacyi gelinta miinada iyo khatarta ay noolaha u leedahay, lana soo bandhigayo hawlgallada nadiifinta miinada. Dowladda wanaagga, mamulka iyo hufnaanta xisaabaadka 6) Geeddi-socodka Dastuurka. Dastuurka cusub ee Soomaalida federaalka ah aya waxaa loo diyaariyey qaab loo dhan yahay, kaas oo ka qaybgalkiisa ay ku caddahay dhamman waaxyaha bulsha-weynta, iyadoo la dhaqangelinayo afti guud oo dadweyne, islamarkaana saldhig adag loo samaynayo sharciga dawladda Soomaliyeed ee federaalka ah. 7) Dimuraadiyeynta iyo Geeddi-socodka doorashada. Geeddi-socodkan Doorashada waxa uu u baahan yahay in lagu saleeyo daraasado dastuurrada iyo axdi-qarameedyada kala duwan ee madaxbannaanida iyo caddaaladda ku dhisan oo ay ka wada qaybgalaan dhinacyada kala duwan; awoodda dhaqangelinta ee dhismaha Soomaalidu uga guurayso hannaanka qabiilka ee ay ku higsanayso nidaamka asxaabta faraha badan ee Dimuraadiyada ayaa la guda-gaya, kaas oo dhammaan kooxaha; sida dhallinyarada, haweenku laga tiro badan yahay. 8) Yagleelidda ama Jaangoynta Dawladda. Hannaanka ugu yar, ugu macquulsan qab-dhismeedka hay’adaha federaalka aya shaqaynaya si loogu adeegsado gobollada iyo deegaannada maxalliga ah si loga hirgeliyo maamul wanaag la iska dhex-arki-karo, xisaabtan hufan iyo ka qaybgal; maamul hoosaadyada deegaannadaas ayaa si cad hawlgalkooda loo qeexay. 9) Awoodaynta dhismaha hay’adaha dawladda iyo shaqaalaha rayidka ah. Hawlgallada hay’adaha dawladda si cad ayaa loo qeexay, iyadoo hannaanka maaraynta iyo nidaamka xisaabaadka la bayaamiyey hufnaanta, qaab la iska dhex arki karo iyo u adeegista bulshada; awoodaynta shaqalaha rayidka ah waa la qeexay, waxaana loo sii marayaa qalabka Warbaahinta iyo teknoloojiyada is-gaasiinta(ITC), si loo qorsheeyo horumarinta iyo hawlgallada dib-loogu dayactirayo adeegyada asaasiga ah, looga kobcinayo ugu yaraan xirfadaha muhiimka ah ee waafaqsan hufnaanta maamulka, xisaabaadka iyo la socoshada hawlgallada oo ay wadaagayaan dhinacyada Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 2 2006, page 2 ay khusayso islamrkaana hay’adaha dhinaca xoogsatada la xiriira ay fuliyaan taabbagalinta sida ku xusan Himilooyinka Horumarinta Millennium-ka. 10) Dawladaha Hoose. Nidaamka rasmiga ah ee dawladaha Hoose waxa ku ka shaqaynayaa dhammaan gobollada Soomaaliya, iyadoo la isku dhafayo hannaanka rasmiga ah iyo kan dadban ee gudbinta adeegyada bulshada oo lagu baahinayo kooxaha dadweynaha oo dhan, ayna ka mid yihiin haweenka; taas oo tas-hiilad loogu samaynayo (si toos ah ama si dadban) tayo-wanaagsan, ka dhabayn, lana awoodi karo, iyadoo la sugayo adeegyada ay Muwaadiniintu u baahan yihiin; taas oo gacan ka gaysanaysa dib-u-heshiisiinta, islmarkaana buundo isku xidha u noqonaysa kala tagsananta miyiga iyo magaalada oo ah hannaanka lagu taabbagalinayo Siyaasadda yaraynta saboolnimada. Bulshada Rayidka, iyo Ka qaybgalka, Saxaafadda. 11 )Bulshada rayidka ah iyo ka qaybgalka.sharci ahaanta iyo kartida hay’adaha an dawliga ahayn, kooxaha bulshada rayidka ah iyo Dalladda hay’adaha iyo Ururrada aqoonyahannada oo u hawlgala qaab madax -bannaani, iyadoo la kobcinayo taaageerada nabadda, Dimuqraadiyadda iyo dib-u-heshiisiinta dhammaan gobollada dalka, ismarkaana la sii kordhiyo xidhiidhka iyo is-kaashiga dhexdooda ah, iyadoo tallaabooyin xayi ah laga qaadayo kaalinta dadka u ololeeya tas oo loo marayo toobiyayaasha wada hadalka iyo is-xurmaynta bulshada rayidka ah dhexdooda ah iyo maamullada ka jira; Saamaynta bulshada rayidka ah iyo ka qaybgalka wada xaajoodyada dhinaca dastuurka, dhismaha nabadda, geeddi-socodka maamuul hoosaadyada iyo Istaraatiijiyadda hoos-u- dhigidda saboolnimada. 12) Saxaafadda iyo Warbaahinta. Tiro aad u badan oo ka hawlgala kannaalada Saxaafadeed iyo gtoobaha kala duwan ee ay ka mid yihiin; gudaha, isku-dhafka warbaahinta goboleed, hay’adaha heer qaran, kuwaas oo u hawlgala qaab madax-bannaani ah iyo kuwa dhinaca qadarinta anshaxa warbaahineed dhawra, islamarkaana ku wejahan wargelinta, waxbarashada, dib-u-hirrgelinta dhaqanka Soomaalida, adeegsiga hababka wargelinta la adeegsanayo Teknoloojiyada casriga ah si loogu baahiyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed. Xirriirrada Kooxayha kale 5. nabadda, ammaanka iyo maamul wanaagga waxa lagu xusay dhammaan kooxaha kale iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay xaaladaha ka horreeya guulaha la higsanayo ee la xidhiidha hawlgallada kooxaha iyo ujeeddooyinkooda, min dib-u-dejinta dadka bara-kacay, kobcinta heer nololeedka, dhismaha kaabayaasha, iyo horumarinta waaxyaha wax soo saarka iyo dhaqaalaha. Kooxaynta Maamul wanaagga, ammaanka iyo ku dhaqanka sharciga ayaa horumarinaysa “wajhadda tooska ah� ee waxyaabaha asaasiga u ah haykalka hay’adaha iyo awoodaynta shaqallaha xogsatada, iyadoo si hufan loo taabbagalinayo qaab-hawleedka dawladda la taageerayo sida ay tilmaamayaan hindisayaasha kooxaynta kale. Intaas waxa soo raaca, hannaanka awoodda dib-u-dhiska iyo horumarintu waxay si toos ah ugu xiran tahay baaxada hawlgallada dawladda iyo hay’adaha aan daliga ahayn ee la wadaaga iskaashiga hawleed, islamarkaana la taabagaliyo xisaabtan iyo maarayn hufan. Istraatiijiyadda muhiimka ah, Mabaadida iyo Arrimaha lagama maarmaanka ah 6. Aragtida waxyaabaha suuragalkaah ee Koofurta/Bartamaha Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland shanta sano ee soo socota way ku kala duwan yihiin gobol kasta. Sidaas darteed, labada istraatijiyadood een ugu muhiimsan ee ka soo if-baxay min JNA ayaa waxay kala yihiin; qaababka taageerada horumarineed ee dhiirigelinaya kala duwanaanshaha taageerada gobollada kala duwani ay u baahan yihiin; iyo baahida la xiriirta hogaaminta soomaaliya. Doorashada “sug-eeg� loo yaqaaan, ayaa noqonaysa jawaabta sii socoshada amman darrida meelaha qaarkood taas oo sii murjinaysa baahida gargaarka, dib-u-dhaca horumarinta waaxyaha wax soo saarka; ayaa si baahasan u sii wiiqaysa deegaanka dabiiciga ah, kaas oo in ka badan 15 sano waxyeelo lixaad leh ay la soo gudboonaatay; waxaana muuqata fursado waaweyn oo wax looga qaban karo , ayna ka hawlgali karaan shirkadaha Soomaaliyeed ee gudaha ama Jaaliyadaha dibadda ku dhaqan, waxayna yeelan kartaa saadaal Jograafiga siyaasadeed, gaarahaan, ammaanka iyo xaaladaha bini’aadminimada ee Geeska Afrika goobaha awoodda u leh meel marinta nabadgelyada aan cagaha badan ku taagnayn, waxay halis u keeni kartaa soo noqoshada rabshahada haddii dadaalka dhismaha nabaddu aan la sii ambaqaadin, lana taabbagalin. 7. Geeddi socodka dhismaha nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya waa inuu ku salaysnaadaa sababaha dhaliyey iska horimaadyada, iyadoo diiradda la saarayo qorshaha la magac baxay “Wax ha u dhimiin� iyo iyadoo la yaraynayo saamaynta tabanaha ah ee aan lagu taslagelin; islamarkaana sare loo qaadayo saamaynta lagu xoojinayo dhinacyada kala duwan ee dhismaha nabadda. Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 3 2006, page 3 8. Marka dhinacyo badan laga eego Arrimaha muhiimka ah, waxay qeexayaan qoddobada asaasiga ah ee lagu horumarin karo taageerada istraatiijiyadda ee dadka Soomaaliyeed. Dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo ka hortagga iska-horimaadyada, kuwaas oo ah qoddobada ugu muhiimsan ee looga baahan yahay noockasta oo horumar lagu gaadhi karo ee dhinacyada maamul wanaagga, horumarinta dhaqaalaha, barbaadinta heer nololeedka iyo samafalka bulshada. Xoojinta heerka aqoon xirfadeedka, horumarinta hay’adaha iyo agabka lagu xakamaynayo musuq-maasuqa iyo hab-raacyada la xiriira ku xad-gudubka hantida. Dheddig-laboodka iyo horumarinta xuquuqda aadamiga, ayaa iyaduna lagama maarmaan ah in la is xusuusiyo; haddii aysan si hufan u maaraynin, dhinacyada bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha, xitaa bulshooyinka barwaaqada ku noool ma awoodi karaan inay ku dhaqmaan qaababka xad-gudubyada, gacan-bidixaynta ama gabood-fallada loo gaysto qaybo ka mid ah muwaadiniinta dalka. Dib-u-heshiisiinta iyo ku dhaqanka sharciga 9. Dib-u-heshiisiinta. Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya waxay u muuqataa inay saldhig u tahay hannaanka dhexdhexaadinta dhinaca siyaasadda iyo xallinta khilaafaadka, taas oo isugu jirta goobaha astaamaha khilaafaadyadu ka jiraan iyo kuwa ay xiisadaha iska-horimaadyadu sida qotada dheer utga dhacaan. Shirweynihii heer qaran ee dib-u-heshiisiinta Soomaalida3 oo ay horseed ka tahay dawladda federaalka ku meel gaarka ah, laakiin inkastoo natiijadan muhiimka ah ay jirto, haddana ma jiraan dib-u-heshiisiin beelaha dhexdooda ah, mileeshiyooyinka, iyo hoggaamiyaasha siyaasadda. Ergooyinkii shirweynaha waxa ka muuqatay dhibaatooyin khilaafyo dhaliyey oo aad xasasi u ah ay, kala qaybsanaan adag ayeyna dhaxaysiisay, iyadoo waxa keliya oo lagu heshiiyey ay ahayd arrinta awood qaybsiga ee siyaasadda cusub ee heer qaran, hay’adaha siyaasadeed , iyo jaangooyooyinka loo asteeyey hannanka federaalka ee axdi qarameedaka ku meel gaarka ah, iyadoo an loo dejinin hab-raacyo saldhig adag leh ee la xiriira hawlgalladiisa uu ku soconayo. Sida natiijadu ay tilmaantay, dareen xad dhaaf ahna ayaa ka muuqda arrimaha hadda la doonayo inay la meel mariso hay’adaha federaalka ku meel gaarka ah (TFI); arrimahaas oy ka mid yihiin; soo celinta hantida la dhacay ama goobaha lagu qabsaday qaab siyaasadeed ama awood ciidan awgeed ee magaalooyinka iyo gobollada, xuquuqda dhamman qabaa’ilka ay leeyihiin; in loo soo celiyo badbaadad naf ahaaneed ee magaalada Muqdishu iyo sidii garsoorka loo horgayn lahaa dambiilayasha dagaalka. Dib-u-heshiisiintu waxay ku meel mari kartaa marka loo raaco hannanka gobollada waqooyi, iyadoo la tilmaamayo dib-u-heshiisiinta iyo kaalinta ay ka qaadan karto u gogol xaaridda astaamaha xasiloonida dhalin kara. 10. Aragtiga dib-u-heshiisiinta geeddi-socodka taabbagalka ah waxay ku xidhan tahay waxqabadyada mudnaanta leh ee aan hoos ku soo sheegi doono ama ujeeddooyinka isku-dhafka ku salaysan. Qaab-dhismeedka Hay’adaha (TFI) ayaa ka mas’uul ah dhismaha nabadda iyo dib-u-heshiisiinta; dib-u-heshiissinta deegaanka waxaa taageera; bulshada rayidka ah sida soo if-baxday, taas oo lala xiriirinayo dawladaha hoose; lagana qayb galinayo haweenka iyo la socoshada isku-dhafka arrimaha haweenka iyo bartilaameedka gaarka ah ee ka wada qaybgalayo, loo dhan yahay in lagaaro. 11. Sharciga iyo kala dambaynta. Baahinta sharciga ayaa saldhig u ah muuqaalka ku dhaqanka iyo kala dambaynta Soomaaliya, iyadoo sharcigu ay ka soo jeedo seddexdan IIood: Xeer Soomaaliga, Shareecada islaamka iyo sharciga aan diinta ku salaysnayn ee laga soo qaatay xilligii Gumaysiga iyo horumarkii xoriyadda ka hor la gaadhay. Dhismaha maamul wanaagga ayaa isna u baahan, in la sameeyo nidaamka garsoorka isku dhafan ee dhamman fursad loo heli karo , iyadoo loo adeegsanayo xoojinta qaababka farsamo ahaaneed ee Soomaaliya oo la waafajinayo qaababka dhaqameed, diineed iyo nidaamyada aan diinta ku salaysnayn shuruucda la xiriirta. Aragtidan iyada ah, waxaa lagu gaadhi karaa iyadoo loo sii marayo waxqabadyada mudnaanta leh ee soo socda; qaab- hawleedkla adeegsan waxaa lagu horumarin awoodda dhismaha xirfadaha shaqaalaha garsoorka, kaas oo lagu hawlgalinayo dib-u-dhiska kaabayaasha iyo agabka lagu fulinayo heerarka muhiimka ah, kuwaas oo ah mashaariic ka kooban qaabab saamayn weyn leh oo isugu dhafan kaabayaasha horumarinta la hirgelinayo xilliga fog; arrimaha xuquuqda dhulka, ayaa iyana lagu caddeeyey sharciga iyo kala dambaynta; dhaqanka xuquuqda aadamiga, ayaa lagu xusay horumarinta sharciga iyo kala dambaynta, taas oo lagu horumarinayo xuquuqul insaanka iyo hay’adaha sharciga; gaar ahaan hay’adaha xuquuqda ayaa la abuuray ama loo xoojinayo si ay ula shaqeeyaan dhinacyada ay hawlaha la wadaagaan ee hay’adaha garsoorku ku jiraan sida; Booliiska, dusha kala socoshada, iyo xisaabtan hufan ee qaab-dhismeedka lagu xoojinayo; istraatiijiyadda dheddig-laboodka iyo xuquuqda carruurta ayaa iyagana la horumariyey lana meel mariyey. Amniga 3 The Somali National Reconciliation Conference (SNRC) took place in Kenya (2002-2004) under the auspices of IGAD and led to the inauguration of the Transitional Federal Parliament (TFP) in August 2004, the election of the President in October 2004 and the endorsement of the Prime Minister and the Transitional Federal Government (TFG). The TFG settled in Somalia in June 2004, and Parliament is in residence in Somalia since early 2006. Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 4 2006, page 4 12. Hub-dhigista, Abaabul-ka-saarka iyo isku-dhafidda (DDR) maleeshiyooyinka waa horumar la qaaday isku- xidhka dib-u-heshiisiinta, sharci ahaanshaha qaranka, dhaxalsiiyeen jabhadaha iyo kooxaha hubaysan, iyadoo go’aanka lagu wareejinayo hay’adaha ammaanka ee dawladda ee ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta. Dib -u- dadaynta ama dhaqan-celinta dad aad u fara badan oo bara-kacay iyo maleeshiyooyinka hubaysan, islamarkaana laga hortago inay isticmaalaan Qaadka iyo mukhaadaraadka kale ee maleeshiyooyinka ay adeegsadaan. Badbaadinta iyo ilaalinta hubka waa in lagu muujiyaa labadaba dadaalka heer deegaan iyo heer caalami. Barnaamijka DDR wuxuu kaliya oo uu ku guulaysan karaa haddii Soomaaliya taliyayaasheedu ay taageeraan. Marka ay taabbagasho hub-dhigista iyo abaabul ka saarka ayaa si buuxda waxtarka go’aankaasi uu leeyahay qaab-dhismeedka talsika, guulaha hawlaha iskudhafidda ayaa gacan ka gaysanaysa ka hortagga abaabul-ka saarka iyadoo ay saldhig u tahay meel marinta arrimaha bulshada, waxbarashada iyo shaqaalaynta maleeshiyooyinkii hore. Somaliland iyo Puntland ayaa si lixaad leh ugu guulaystay geeddi-socodka abaabul-ka-saarka, si kastaba ha ahaatee, iskudhafidda iyo xakamaynta hubka ayaa weli u bahan dareen gaar ah. 13. Koofurta iyo Bartamaha Somaaliya ayaa soo jeediyey caqabadaha deg degta ah ee DDR. Aragtida ku aadan DDR waxay noqon kartaa mid tixgelin dheeraad la siinayo, lagu baahiyo gobollada Soomaaliya 2011, iyadoo mudnaan la siinayo barnaamijyada bartilmaameedka u ah ee bulshada ama goobaha ay lagama maarmaanka tahay in hub-dhigis iyo abaabul-ka saar lagu sameeyo. 14. Booliiska iyo hawlaha Miinada. Kaddib markii ay dhacday dawladdii Soomaaliya, siyaasadda qaab-dhismeedka aan rasmiga ahayn ee kala duwan ee la xiriira dhinaca maleeshiyooyinka ama hay’adaha garsoorka kala duwan ee aan rasmiga ahayn. Dawladda casriga ah ee Soomaaliya lama saan-qaadi karto qaab-dhismeedyada siyaasadeed ee wejiyada kala duwan leh, taas oo aan lahayn nidaamka hawlgallada ku salaysan iskudhafidda iyo dhaqan-celinta. Hase yeeshee, arrimaha kala ah sii socoshada Bar-bara ah, iyadoo qaabka siyaasadda aan rasmiga ahayn ay gacan ka gaysan karto faa’iidooyin la xiriira geeddi-socodka ku meel-gaarka ah, taas oo awood u siinaysa qaabab hawlgal ah oo aan rasmi ahayn, islamarkaana aqoon hufan u leh iyadoo la horumarinayo xiriirka u dhexeeya bulshada si loo sii wado in bulshada loo adeego. 15. Aragtidani waa loo helo Soomaaliya hawlgal dhinaca ammanka ah oo Booliiska ku salaysan, una shaqaynaya qaab madani ah oo karti iyo hufnaan ku salaysan, kuna wejahan baahida deegaanka ee wada dhaqan habboon, si buuxdana iskaashi wacan oo ay la leeyihiin bulshada. Mudnaanta muddada u dhaxaysa 2007-2011 : isku-dhafka hawlaha ciidanka booliiska oo loo samaynayo suuragalnimada helitaanka hufnaanta shaqo sida; ( Baaritaannada hagaagsan, shahaadooyinka, tababarrada iyo qaabka qaadashada) xubnaha laga soo bilaabo marxaladda ee rasmiga ahayn ee bulshada la hawlgala ilaa Booliiska heer qaran; suuragalnimada habaynta qaar ka mid ah hababka hawlgalka unugyada booliiska ee aan rasmiga ahayn ee lagu hawlgalinayo iyadoo markaasi awaamiirta laga qaadanayo rayidka iyo xakamaynta Booliiska heer qaran, iyagoo u hawlgalaya qaab gaar ah, hawlaha sida gaarka ah loo tilmaamay, oo aqyb ka ah isku-dhafka qaab-dhismeedka booliiska bulshada. Qaab-hawleeleedyada booliisku waxay ku baahan doonaan xiriir dhinaca doodaha iyo ka baaraan-degga hannaanka guud ee qaab-hawleedka dastuurka horumarintiisa iyo hannanka geeddi-socodka dhinaca horumarinta. 16. Caddaynta iyo nadiifinta miinada dhulka waa hawlgallada haatan socda, kaas oo tallaabooyin muhoom ah laga qaaday Somaliland iyo Puntland. Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa iyagu maraya marxaladdii ugu horreysay ee ka saaridda miinada, iyagoo soo bandhigay dhibaatooyin dheeraad ah waxyaabaha qarxa meelaha ay dhawaan dagaalladu ka dheceen. Aragtida miinada iyo nadiifinta ayaa la dhammaystirayaa isi aad u sarraysa looga taxadarayo mudnaanata dhexe ee goobahas sannadka 2011. Mudnaanta ayaa lagu soo bandhigay natiijooyin ku salaysana hannaan xaalad qiyaaseed dhexdhexaad ah, iyadoo intaas ay u dheer tahay dadaallo la xiriira gobollada Koofurta/Bartamaha Soomaaliya. Dawladda, Maaraynta Maamulka iyo Xisaabtan hufan 17. Sharci ahaanta Siyaasadda. Sanooyin kaligi talsinimo iyo siyaasad maamul xumo oo la soo maray aya dhaxalsiisay cabsi qoto dheer iyo is-aamin la’aan ka jirtay dawladda dhexdeeda iyadoo walaac dheeraad ah laga muujiyey dawlad dhexe oo si guud ay dadku uga dareemeen cadadis iyo in dad tiro yar oo siyaasiyiin ahi ay ka faa’iidaysan jireen dawladihii jiray una badna reer magaalka iyo beelo gaar ah oo ay inta badan reer miyigu ka cabanayeen arrimahaas4. Tobankii sano ee la soo dhaafay waxa soo if-baxay in “siyaasaddii Soomaalida lagu saleeyey deegaanno xag-jira�, kuwaas oo qaab ahaan ku dhisan hannan qabaa’il bulsheed, iyadoo xuduntii dawladda 4 See Peter D. Little : “the government was perceived as little more than a personal patronage machine that benefited certain clans and urban centres, while distributing few resources to the local population�, in “Somalia: Economy without a State�, 2004 Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 5 2006, page 5 lagu jaangooyey heer maamull maxalli ah islamarkaana adeegyada lagu gaarsiinayo bulshada heer deegaan gacmaha hawlaha waaxda gaarka ahi fuliso. Hannaankan cusub wuxuu soo bandhigay fursado dano ku dhisan oo aad ka dareemi kartid in dadka noloshoodu hoosayso ay muujinayaan inay u bahan yihiin dawlad maamul dhexe leh, marka la eego qaabka ay u helayaan adegyada asaasiga ah ee aad u liita, gaarahaan, in la abaabulo ilaha deegaanka iyo maaraynta khayraadka heer qaran si dadka deegaanku ay ku helaan adeegyada dadweynuhu u baahan yihiin. 18. si haddaba looga qaalib noqdo caqabadaha iyaga ah, waxaa lagama maarmaan a la xoojiyo dadaalallada lagu dhisayo hannaanka dawliga ah lana dedejiyo sharciga iyyo hufnaanta hay’adaha dawladda Soomaalida, iyadoo loo sii marayo geeddi-socodka dastuurka, laakiin xitaa iyadoo hore loo tilmaamay qaabaha ugu hufan ee loo meel marin karo adeegyada, loona tilmaamo dhexdhexaadnimo iyo xisaabtan hufan ee hogaanka iyo shaqaalaha rayidka ah heerarka kala sareeya ee dawladda. Shuruucda muhiimka ah ee la iska dhex-arki karo, xisaabtan hufan, lagana qaybgalinayo muwaadiniinta waa in lagu soo bandhigaa xitaa mashaariicda yar yar, si loo bilaabo abuuritaanka siyaasad hufan iyadoo la xaqiijinayo ilaha khayradka iyo dakhliyda muhiimka ah in loo jiheeyo horumarinta nabadda iyo barwaaqadaynta. 19. Geeddi-socodka Dastuurka. Axdi qarameedka ku meel gaarka ah wuxuu awoodaynayaa dawladda TFG in la magacaabo ee Golaha Dastiuurka federaalka ah (FCC), iyadoo shaqadiisu ay tahay qoraalka dastuurka cusub Soomaalida federaalka ah muddo laba sano iyo bar ah, si loo dhaqangeliyo afti qaran oo dadweynaha laga qaado. Geeddi socodka samaynta dastuurka wuxuu horseedayaa qaab dib-u-heshiisiineed, baadi-goob xal waara oo wada hadal ku salaysan si loo xalliyo khilaafaaddka arrimaha lagu kala qaybsan yahay iyadoo la raacayo qaabka xasiloonida iyo xiisad la’aanta oo lagu gaarayo heshiisyo ku weajahan qaababka federaalka ugu habboon Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, geeddi socodkan isaga ah waxa la soo gudboonaan karta khatar fashilaad ah, ama in xiisadu ay sii kordhaan Soomaaliya haddii aan nabadda loo adeegsanin qaabab loo dhan yahay oo hufnaan iyo taxadar ku salaysan. 20. Meel marinta aragtida la xiriirta dastuurka federaalka soomaaliya, diyaarinta qoraalka loo dhan yahay lagana wada qaybgalo iyadoo kooxaha kala duwan ee bulshadu ka dhiibtaan afti dadweyne oo guud, iyadoo loo baahan yahay xal gaara oo ka yimaada Soomaalida arrimaha xasasiga ah ee dalka ka taagan. Tan waxaa ka mid ah maamul hoosaadka /qaab-dhismeedka federaalka Soomaliya, hababka doorashooyinka ugu habboon, doorka mustaqbalka ee hannanka dhaqanka maamul ahaaneed, waana in la soo gudbiyo qaab-dhismeedka garsoorka, lana helo jawi lagu xallin karo dhibaatooyinka oo ku salaysan Xeer-Soomaaliga, shareecada Islaamka,lana qeexo xuquuqda muwaadinka. Dawladaha mustaqbalka, in la kobciyo xuquuqda kooxaha laga badan yahay islamarkaana xal loo helo xiisadaha dhulka la isku haysto. In la taageero geeddi-socodka wada hadallada iyadoo loo soo saarayo go’aanno lagu xallinayo arrimahaas iyaga ah si loogu jaangooyo waxqabad mudnaan siinaya. 21. In la taageero Dimuqraadiyaynta iyo geeddi-socodka doorashooyinka. Marka loo eego Soomalidu sida ay u aragto, nidaamka qabiilka ku salaysan ee lagu xulanayo golayaasha iyaga matalaya iyo golayaasha deegaanka waxay caddaynaysaa inay taahy arrin awood lixaad leh sinaysa dhinaca xoojinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo lagu dhisayo is-faham guud oo heer qaran ah oo lagu heshiiyey. Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego marxaladda kala guurka ah ee Somaliland ee ku wejahan codka dadweynaha iyo nidaamka axsaabta faraha badan, waaxay ku tusaysaa in doorashooyinku ay yihiin qaabab muhiim ah oo lagu dhisi karo sharci ahaanta hay’daha qaranka. Aragtida ama doorashada natiijada doorashada waa arrin labo dhinaca laga eegi karo: si loo taageero geeddi-socodka doorashooyinka waxay u baahan tahay dastuur iyo Axdi gaar ah oo loo dejiyo; iyo in si baaxad leh loo kobciyo aqoonta Soomalida si looga dhaqaaqo nidamka qabiilka ku dhisan loona wejaho nidaamka axsaabta faraha baadan, kaas oo loo samaynayo axdiyo kala duwan iyo dastuur, iyadoo dhammaan laga wada qaybgalinayo kooxaha haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga badan yahay. Waxqabadka mudnaanta la siinayo waxaa ka mid ah horumarinta iyo kobcinta garadka aqoonta bulshada ee la xiriira xeel-dheerida hay’adaha doorashooyinka, lana taageero wacyigelinta dadweynaha iyo sidii loo horumarin lahaa axsaabta siyaasadda. 22. Jaangoynta qorshaha dawladda. Soomaalida manta waxaa lagu tilmaamaa mid aad u taagdaran ama dawlad fashilantay oo leh bulsho xoog badan. Xoojinta bulshada gaarahaan, sidii iyadu isku aababuli lahayd si ay u hesho adeegyada bulshadu u bahan tahay, waa in aan la duminin ama la burburin marka dib loo dhisayo qaranka. Axdi ku meel gaarkaah ee la saxiixay February 2004, wuxuu si gars ah u qeexayey inay Soomaaliya yeelan doonto maamul hoosaadyo madax-bannaan oo nidaamka federaalka ku salaysan. Waxaana la soo jeediyey inuu yeeshoafar qaybood oo maamulka lagu hawlgaliyo, iskuna xidhan waana: Dowladda dhexe, gobollada iyo degmooyinka. Axdigu wuxu astaynayaa qaybaha awoodda hawl fulinta ee u dhaxaysa Federaalka maamulka dawladaha, laakiin ma caddaynayo mas’uuliyadda gaarka ah e Gobollada iyo Degmooyinka. Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 6 2006, page 6 23. Aragtida jaangoyntaqaab-dhismeedka dawladda waa midda ugu macquulsan, ugay kooban, kuna habboon qaab- dhismeedka hay’adaha deraasaadka ah si ay uu adegaan gobollada deegaannada iyo golayaasha mamul wanaagga geeddi-socodkiisa la xiriira, lagana dareemi karo maamul la ioska dhex arki karo, lehna xisaabtan iyo ka qaybgal buuxa; islmarkaana leh qaabka maamul hoosaadyo kala madax-bannaan oo hawlgalkooda si hufan loo qeexay. Mudnaantu waxay noqon doontaa hawlaha mid kasta uu leeyahay iyo xiriirka ay dawladda la wadaagto, sida waafaqsan Axdiga iyo dastuurka federaalka ku meel gaarka ah, iyadoo lagu xusayo qaabka hawlgalka shaqaalaha, miisaanyadda, qaadashada shaqaalaha cusub iyo qorshayaasha dadka laga hawlgalinayo wasaaradaha, waaxyaha; iyo in la bilaabo dhammaystirka qorshayaashaan dhinaca federaalka, gobollada iyo degmooyinka, iyadoo loo egayo awoodaynta aqoonta xirfadeed ee mudnaanta leh sida hoos ku xusan. 24. Awooddaynta aqoonta xirfadeed ee dawladda hay’adeheeda iyo shaqaalaha rayidka ah. Waa inay ku salaysnaadaan inta ugu kooban hay’adaha dawladda ee qab -dhismeedka federaalka ah si ay markaasi ay ugu adeegaan baahida gobollada iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo la raacayo golayaasha maamul wanaagga ku hawlan ee la iska dhex arki karo, lehna xisaabtan iyo ka qaybgal buuxa. Mudnaanta koowaad waxaa leh shuruucda lagu fulinaya dib-u-hawlgalinta waaxyaha wax soo saarka, sare u qaadista heerka tayada iyo hab-raacyada xeer- hoosaadyada arrimaha bulshada maaraynta maaliyadda dawladda. DFKM-ka ayaa tallaabooyinkii ugu horreyay ka qaaday abuuritaanka shaqaalaha rayidka ah hawlgalladiisa. 5 Dhibaatooyinka dhinaca tababarrada iyo shaqo qorista dadka aqoonta u leh ayey DFKM-ka ahi ku tilmaantay inay maskaxdii dareertay ama ay dayacantay, iyadoo dadkii xirfadaha shaqo lahaa ay dibadaha ku maqan yihiin, kuwaas oo kaalin lixaad leh ka qaadan kara dib u dhiska qaran iyo horumarinta hawlaha loo baahan yahay meel marintooda hay’adaha cusub ee haatan dhismaya, sida JNA ay hawlgalladeeda ku socdaan. Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa iyaguna la kulmaya caqabado lamid ah kuwa maskaxda dareertay ama aqoontay dibadaha aaday. Waxaana inta badan hawlgallada goobaaa muhiimka ah socodsiinaya dadka deegaanka u dhashay oo inta badan ka hawlgala hay’adaha gaarka lo leeyahay. Heerarka waxbarashada caadiga ah iyo tababarrada ayaa hoseeya, iyadoo haweenka hay’adaha shaqaalaha raayidka ahi ay aad u hooseeyaan, iyagoo ka hawlgala jagooyin hooseeya. Somaliland waxay u hawlgashaa qaab horumar laga dareemi karo nidaamka maamlka marka la eego, hase yeeshee, shaqooyinka waxa ragaadiyey dhiirigelin la’aan iyo aqoonta oo ka hoosaysa heerka baaxadda mas’uuliyadda ay shaqaaluhu fulinayaan. Haweenka ayaa ah 27% shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland, laakiin, inta badan shaqaale a xirfad lahayn ayaa qaybaha hoose ee haykalka shaqalaha ku jira. Waxaana si adag uga muuqda hoosaynta aqoonta xirfadeed ee shaqaalaha Soomalida ah ee dawladda, gudaha dalka iyo jaaliyadaha dibadda waa laga helayaa. Itaasina waa hay’adaha dawladda, heshiisyada qaab -hawleedyada ugu macqulsan lagu abuurayo, islamarkaana nidaamka maarayn maamul hagaagsan, ayaa meesha ka maqan. 25. Si maskaxda loogu hayo farqiga u dhexeeya TGF, Puntland iyo Somaliland, si kastabahaha ahaatee, istaraatiijiyad midaysan ayaa lagu horumarin karaa dhismaha awoodda aqooneed ee hawlgallada hay’adaha dawliga ah iyo shaqaalaha rayidka ah, ayadoo la raacayo aragtida ugu macquulsan ee lagu helay oaqoonyahanno ku habboon baahida taagan, ayna ka hawlgalayaan dad ku xeel-dheer arrimahaas, marka la eego qorshayna, agaasimidda xeer-hoosaadyada shaqada iyo sidii looga qayb galin lahaa hay;adaha hawlaha la wadaaga ee wadajir ahaan u xoojinaya waxqabadka loo bahan yahay, si loo meel mariyo adeegyada bulshada iyo kobcinta horumarinta bini’aadmiga. 26. Tageerada ugu muhiimsan waxaa loo bahan yahay in is-bedel lagu sameeyo xaaladda hay’adaha iyo shaqaalaha rayidka ahi ay hatan ku sugan yihiin, lagana dhabeeyo arragtidaas.mudnaanta waxaa ka mid ah: hawlgallada muhiimka ah ee dawladda, kuwaas oo u baahan in loo qeexo hannan sahlan, iyadoo lagu muujinayo qaab sahlan oo maaraynta waafaqsan, islamarkaana loo sameeyo qaab la iska dhex arki karo, lehna xisaabtan iyo la socosho hufan. Marka la eego Somaliland iyo Puntland, halkaas oo qaar ka mid ah shaqaaluhu ay fuliyaan hawlahooda la xiriira dib-u-heshisiinta, si tartiib ahna ugu jaheeyey hannan macquul ah, iyagoo dib u xaqiijinaya, aygoo aan marnaba waxyeelayn hannanka ammanaka Goboladaasi uu ku socdo. Waxaana tixgelin mudan maalgelinta shaqaalaha oo laga dhisayo dhinaca kartida iyo aqoonta taas oo u baahan dhinac walba in la gaarsiiyo. Saamiga dheddig-laboodka oo ah ilaa 12% aya lagu dhisay Axdi qarameedka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, laakiin lama meel marin. In lagu daro haweenka iyo kooxaha laga badan yahay lana siiyo mudnaan gaar ah. 5 A six person Civil Service Task Force has been established by a Presidential decree of January, 2006. The mandate of the Task force includes carrying out the preparatory steps required for the constitution of a civil service commission. The Task Force has drafted its own internal regulations and is revising the 1980 Civil Service Law. Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 7 2006, page 7 27. Horumarinta dawladaha hoose. Burburkii dawladda, aya islamarkiiba horseedaya go’go, iaydoo ay ka soo if- baxday hindisayaak deegaaneed oo u adeegaya bulshada, kuwaas oo intooda badan aysan ahayn kuwa qaab dawladeed ku hawl gala, waxayna qabtaan hawlo danayn gaar ah leh ee dawladaha hoose ay fuliyaan. Somaliland iyo Puntland, dawladaha dhaqameedyada hoose qaab-dhismeedkooda ayaa door muhiim ah ka qaatay nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo lagu hawlgalinayo dadaal lixaad leh oo inta badan ka bilowday heer tuulo, iyo degmo, iyadoo heerka dersiyada ama ollogga la ah bartamaha magaalooyinku ay iyana kaalin muhiim ah ka qaataan hawlahasi. Qaabkani, wuxuu noqday kala qo-qobnaan qaab-dhismeedkii hannankii dawladda saameeyey, iyagoo ay jiraan hawlo xayi ah oo dhinaca horumarinta laga sameeyey ayna ka qaybagalaan muuwaadiiniita deegaannadaasi, lehna nidaam la iska dhex arki karo iyo xisaabtan ufan. 28. Inkastoo ay muuqato dabacsanaan iyo hal-abuuro ay fuliyaan hay’ado aan dawli ahayn ee dhinaca adeegga ah, hadda waa muhiim in la daboolo farqiga dhinaca helitaanka fursadaha adeegyada asasiga ah ee bulshaad kaas oo aad u ooseeya marka lo eego hannanka horumarka bini’aadmiga ee Soomaalida maanata. Hase yeeshee, kuma filla kaalinta hay’adaha gaarka ahi ka qaataan adegyada bushada, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashadabiyaha, faya- dhawrka, si markaasi fursad loogu helo in soomalidu la jaan-qaaddo Himilooyinka Horumarinta Millennium-ka, taas o ah tan ugu hoosaysa bartilmaameedka. Si kastaba ha ahaatee waxay noqon kartaa faa’iido si gaar looga dareemo natiijooyinka dib loogu dhisayo daraasadahan iyaga ah, laguna baahinayo nidaamka an rasmiga ahayn ee dawladaha hoose qaab-dhismeedkooda, kuwaas oo hore looga hirgaliyey asaaska dhinaca bulshooyinka waafaqsan, islamarkaana sare lo qaadayo tayada siyaasadda lagu taageerayo dadka saboolka ah, tirade iyo fursadaha adeegyada. Tallaabooyinka noocaan ah waxay soo bandhigayaan tirade caqabadaha jira. Hawlaha waaxda gaarka ah ee adeegyada waxay ku wejahan yihiin; goobaha magaalooyinka halkaas oo waxtardooda adeegyada la gaarsiinayo bulshadu ay aad u badan yihin, ama si lahaansho gaar ah ku taabagalay. Waxa iyana jira baahi la doonayo in buundo loo sameeyo u dhaxaysa kala tagsanaanta adeegyada Magaalada/Miyiga6 iyo in loo sameeyo ilo laga faa’iidaysan karo oo waxtar u leh dadka saboolka ah ee la go’domiyey nolol ahaan: Reer guuraaga . Xoola dhaqatada iyo dadweynaha reer miyiga ah. 29. Puntland iyo Somaliland labaduba waxay meel mariyeen nidaam mamul hoosaadyo madax-bannaan, iyagoo hawlgaliyey golayaasha deegaannada ee adeegyada bulshada. Dhammaystirka arrimahaasina haatan waa uu socdaa dhinaca Somaliland, laakiin ma ahan mid hawlgalay dhinaca Puntland.7 Ilaha maaliyadda ma ahan kuwa ku filan damaanadda mas’uuliyadda la doonayo inay fuliyaan. Waxaana jira inaysan haboonayn qiyaasta farqiyada qiyaasta magalada/Miyiga marka la is-bar-bar dhigo.8 Hay’adaha an dawliga ahayn ayaa gaarsiiya bulshada adeegyada ugu badan, hase yeshee waxaa qaar ka mid ah hay’adaha dawladda lagu sameeyey dib -u-habayn wax ku ool ah. Baahida farsamada iyo maamulka aya tixgelin gaar ah leh marka la eego is-bedellada golayaasha degmooyinka sidii looga dhigi lahaa hay’ado wax ku ool ah. 30. Aragtida rabitaanka natiijada ay muujinayan dhammaan gobollada Soomaaliya ee nidaamka rasmiga ah ee dawladahahoose, iyadoo la taageerayo nidaamyada haatan jira aya tilmaamaya inay yihiin qaab ka qaybgal buuxa leh, ayna ka mid noqonaya dhamman kooxaha dadweynaha , oo ay ka mid yihiin; haweenka iyo kooxaha laga badan yahay taas oo sahlaysa in si toos ah ama si dadban lo gaarsiiyo adeegyada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin; lehna tayo wacan, dhab ahaan, la awoodi karo, islamarkana la tabbagaliyo adeegyada joogtada ah ee muwaadiniinta oo dhan; iyadoo la sii ambaqaadayo gacan siinta dib-u-heshiisiinta, horumarinta maamulka dawladaha hoose, isu soo dhawaynta heerka nolosha magaalada iyo miyiga, lana meel mariyo siyaasadaha taageerada saboolinimada. Natiijadani, si weyn looma xaqiijin karo inta ka horreysa 2011-ka, laakin hawlo horumaineed oo wax ku ool ahayaa la qaadi karaa, taas oo ku iman karta dhinacayada kala duwanoo wadajir iskaga kashada hawlgalkan, sida dawladda soomaalida, hay’adaha an dawliga ahayn, ha’adaha gargarka caalamiga ah, , ayadoo lala kaashanayo qaababka xakamaynta khilaafaadyada ee dawladaha hoose ay ku lugta leeyihiin meel marinteeda. Mudnaanta asasiga ah ee arrimahaas lagu tabbagalinkaro awaxa ka mid ah: dhismaha hantida maguurtada ah ee deegaanka, iyo sii horumarinta dhaqaalaha haatan jira e bulshada, lana awoodeeyo lahaanshaha soomaalida , gaar ahaan dhinacyada deegaanka, taageerada iyo xoojinta qaababka mamul ahaneed ee haatan ka jira dawladaha hoose, kuwaas oo horseedi kara ka qaybgal buuxa ee muwaadiniinka oodhan, lana maageliyo adeegyada hatan jira iyadoo la sii amba-qaadayo farsamooyinka casriga ah ee lagu hagaajinayo mamulka, lana horseedayo qaabab aan musuq-maasuq 6 Despite few attempts, pastoralist poverty has been rarely addressed in current strategies and practices. See IFAD, Livestock and Rangeland Knowledgebase (LRKB) http://www.ifad.org/lrkm/theme/prm.htm For more information see also: Pastoralists Communication Initiative, IDS, DFID and UNDP, http://www.ids.ac.uk/ids/particip/research/pci.html 7 Out of 33 districts, only 7 district councils have been selected and are trying to operate, deliver services, prepare and implement budgets. 8 See sub-cluster report for a district admininstration budget breakdown and detail. Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 8 2006, page 8 ku dhisnayn oo lagula socon karo xisaabaadka iyo hannanaka la iska dhex arki karo oo hufnaan iyo maarayn leh. Go’aan qaadasho wax ku ool ah; islamarkaana la isku dhafo ahannaka bulshada rayidka ah iyo maamulka deeganka, marka laga hadlayo xoojinta adeegyada bulshada, iyadoo xoogga la sarayo geeddi-socodka horumarinta siyaasada heer gobol, dawlad iyo heererka federaalka ah 9; horumarinta maaraynta iyo meel marinta adeegyada loo baahan yahay; lehna maamul hufan oo la iska dhex arki karo, lagana wada qaybgalo, xisaabtan iyo kormeer la socosho ay ka muuqato hannankiisa dhismaha iyo hawlgalkaba. Barta laga jaan-qaadayo ee dib-u-heshiisiinta, mamulka dawladaha hoose iyo taabbagalinta horumarka ayaa laga yaabaa in lagu gaarsiiyo qaab wacan adeegyada, lehna dhan ahaan fulineed, ayna bulshadu awooddo, hannan hufnaan iyo xisaabtan dhab ah leh. Bulshada Rayidka, Ka qaybgalka iyo Saxaafada 31. Bulshada Rayidka iyo ka qaybgalka. Kaddib burburkii dawladdii Soomaaliya iyo sannnado badan o colaad iyo xiisado ay ka oognayeen bulshada rayidku10 waxay soomaali ka muujiyeen adeegyo bulsheed oo wax ku ool ah, iyagoo kaalin mug leh kaga jiray dhinaca siyaasadda dalka soomaaliya. Inkasto qaab hor leh oo cusub ay soomaaliya soo wejahday, ururrada bulshada rayidku manta waa xayi qaabka hawlgalkooda bulshada dhexdeeda ay ku leeyihiin. Waxayna gacan ka gaystaan arrimaha nabadda, dib-u-heshiisiinta, horumarka, , iaygoo inta badan ka qaybgala xallinta hilaafaadka marxaladaha ku meel gaarka ahee dalka la soo gudboonaaday sida; adeegsiga xeer dhaqameedyada, abaabul-ka saarka bulshada, waxyi-gelinta iyo isku soo dhawaynta dhinacayad iska hormaadyada joogtada ahi u dhaxaysa xilliga colaada iyo dagaalada sokeeye ay Soomaliya kasocdeen; waxayna adeegsadaan farsamooyinka xallinta khilaafadka casriga ah oo ay ku kala dhex galaan qaybaha bulshada iyiqabaailka soomaaliyeed oo ay aqoon fiican u leeyihiin; waxay kalo ka qaybgaleen dadaalada ay dawladdu hormoodka ka ahayd, iyagoo kaashanaya dhaqanka iyo diinta islaamka, waxaana hawlaha bulshada rayidka ka mid ah, sida ay ugu baahiyeen dalka dhismaha nabadda, gasoorka iyo heshiisyada nabadeed ee beelaha kala duwan. Hay’adaha an dawliga ahayn NGO’S iyagu waxay si baahsan uga hawlgalaan magaalooyinka waaweyn, iaydoo ay goobaha miyiga NOG’-yada aan dawliga ahayn iyo kuwa NGO-yada heer caalami ah iyo ha’adaha Q.M. ay hawlo ka fuliyeen goobaha sida caadiga ah ay uga hawlgalaan NGO-yada Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah kuwaas oo ay barnaamijyada qaar ka hirgaliyeen goobahaas iyaga ah, iyadoo bulshada qaybaheeda kala duwanna gacan ka gaystaan iskaashiga iyo horumarka nabadda iyo dib-u-heshiinta, waxana ka mid ah hawlaha laga fuliyey xallinta khilaafaadka, dhismaha qaababka nabada lagu gaadhi karo, iyadoo la kaashanayo culumaa’udii nka yo dhaqanka soo jireenka ah ee diinta islaamka, odayaal dhaqameedka, xoogga bulshada ee nabadda daneeyana; iyadoo xagga waxbarashada, samafalka iyo garsoorka la xiriira wax laga qabtay, ayna gacan ka gaysteen dhinacyada bulshada rayidka ah; qaar ka mid ah bulshada rayidka ee fursad weyn siiyey haweenka sidii ay gacan uga gaysanlahayeen hawlgallada nolosha dadweynaha taabanaya; meelaha qaarna waxayba ka qaybgalan ama dhiseen hay’ado u ololeeya xuquuqda bini’aadmiga iyo dheddig-aboodka. 32. Waxa jira hay’ado fara badan oo Gobllada Somaaliya ka hawlgala kana shaqeeya taagerada maamul wanaagga, Dimuqraadiyada iyo dib-u-heshiisiinta heer qaran iyo heer gobol intaba. Baaxadda arrintani ay leedahay waxay u dhaxaysaa u ololaynta nabadda ilaa haweenka iyo dhallinyaada oo ay ka mid yihiin; cilmi-baaris iyo u ololayn hay’adaha aan dawliga ahayn (NGO’s), shabakadaha iyo kooxaha diinta. Urrurada aqoonyahannada iyo xirfadleyda iyo shabakadaha aya iyaguna ah guul la taban karo oo iskaashi iyo wacyi kobcin ay la wadaagaan hannaanka ay bulshada rayidku ku shaqeeyaan. Shabakadaha ugu baaxadda weyn waxay ka jiraan Muqdishu iyo Hargeysa. Dhawr shabakadood iyo ururro ayaa ka jira meelo ay aad u adag tahay xaaladaha nabadgelyada, islamakaana kaabayaasha dhaqaaluhu ay liitaan, oo fursad u hela in is-gaarsiintu ay taabbagasho. Ururrada bulshada soomaaliya xilligan dhibaatooyin badan sida ayey qabaan caqabado lixaad leh oo ay ka mid yihiin; hufnaanata shaqadooda, madaama mararka qaarkood loo arko inay siyaasadaha qabaa’ lka ku hawlan yihiin; iyo xiriirarada dhinaca awoodda, iyagoo aan lahayn hufnaan shaqo fulineed oo xisaabtan iyo maaml la iska dhex arki 9 See in ‘Local Governance Approach to Social Reintegration and Economic Recovery in Post-Conflict Countries’ by Leonardo Romeo, IPA - 8 October 2002, New York, about the interdependence of the local and the central in the process of reconstructing states. 10 Civil society is defined as ‘organized groups or associations which are separate from the state, enjoy some autonomy in relations with the state, and are formed voluntarily by members of society to protect or extend their interests, values or identities.’ 10 These include service provision NGOs, women’s organizations, youth groups, human rights organizations, community-based organizations, religious groups, research and development institutions and the independent media. Armed groups, political parties, state-owned media, and the private sector are excluded. Local justice mechanisms, including Shari’a courts, elder’s councils and community leaders, are included as expressions of community organization. Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 9 2006, page 9 karo, islamarkaana aysan hadafkoodu caddayn, oo damaanadda shaqadooda iyo hannaanka mamul wanaagga oo aysan laabogalin dhinaca iskaashiga iyo isku-xirnaanta hawlgalladay fulinayaan. 33. Aragtida dhinaca ka qaybgalka xayiga ah ee bulshada raidka ayaa si cad looga dareemi karaa dib-u-heshiisiinta, iyo doodaha wada hadalka iyo is-fahamka ku salaysan marka ay xiisadu jiraan ama xallinta khilaafaadka, iyadoo ay kaalin muuqata ka qaadaan dhinaca maamul wanaagga, u ololaynta xuquuqda aadamiga, najixinta siyaasadda taageerada saboolnimada, iyadoo mudnaanata koowaadna la siinaya arrimahan soo socda; taageerada horumarinta xeer-hoosaadyada madaxa-bannan, dhiirigelinta maamul-hoosaadyada; ku dhiirigelinta dawlada sidii loo taabbagalin lahaa; fursadaha ka qaybgalka bulshada kaalinta bulshada rayidka, xaqiijinta iyo meel marinta ka manaafacaadsiga khayraadka dalka, mudnaansiinta koxaha haweenka, dhallinyada iyo kooxaha laga badan yahay. 34. Saxaafadda. Ilaa 1991 waxa saxaafadda dalka Soomaaliya ka jiray xad-gudubyo aan ku habboonayn hannaanka anshaxa saxaafadda, gaarahaan, idaacadaha laga sii daayo wararka iyo maaweelada. Hase yeshee, xaaladaha warbaahinta dhinaca miyaga ayaa ahayd mid xaddidan, islamakana baaxadda warbaahinta dalku waxay ahayd mid iyaduna kooban marka la eego qaabka ay u hawlgalaan idaacadaha adalaka aka jira, waxaana ka muuqata in aqoonta dhinaca warbaahintu ay iyaduna xaddidan tahay, marka laga hadlayo saxaafadad caalamiga ah ee xilligan casriga ah, iyadoo qaar hay’adahaas ka mid ahi ay yihiin wakiilo ama afhayeenno ay leeyiiin kooxaha dagaalamaya. Hannanka saxaafadda ka jira Somaliland iyo Puntland, iyo kuwa gobollada dhexe iyo koofurta ayaa u muuqda kuwa u jahaystay madax-bannaani inay higsadaan; lehna qaab suuqgayn ku salayna; hadda ma jiraan wax shuruuc ah ama anshaxa saxaafadda oo la ilaaliyo. Saxaafadda wax ka sheegta dhibaatooyinka haweenka haysta ayaa ah mid aad ugu yar xilligan Soomaaliya ama waaba la iska hilmaamay. 35. aragtida dhinaca qaybaha kala duwan ee saxaafadda ee JNA ayaa ah mid la xiriirta sidii ay warbaahintu ku aqon lahayd mid daboosha, lehna ahdaaf wax ku ool ah oo la xiriir taarrimaha nolosha taabanaya in lagu wejaho iyadoo la ilaalinayo nidaamka anshaxa mas’uuliyadda xambaarsan ee loo igmaday; taas oo ay ka mid ta hay hawleheeda meelmarinta wacyi-gelinta, warbaahinta iyo maaweelinta bulshada, iyadoo hoosta laga xariiqayo arrimahan mudnaanta leh inay xoogga saarto; inay ku hawlgasho madax-bannaani, hay’bad, mas’uuliyad, waxbarashada oo la dhiirigeliyo, ciyaaraha iyo dhiirigelinta dhaqanka soo jieenka ah ee bulshada oo la horumariyo, lana adeegsado qaababka war-is-gaasiinta tayada leh iyadoo la adeegsanayo Teknoloojiyada casriga ah, sida;warbaahinta iyo is-gaarsiinta, si loo gaadho dhammaan bulshaweynta soomaliyeed, taas oo lagu salaynayo qaab-hawleedyada dhawritaanka xeer-hoosaadyada anshaxa mas’uuliyaddu ay ku dheehan tajay, si markaasi looga dhabeeyo hadafka dhinaca tababarrada xirfadda saxaafadda ku salaysan, ayna ka mid yihiin, kobcinta aqoonta farsamada warbaahinta iwm. Lga bilaabo aragtida ilaa xaqiijinta Ujeeddooyinka 36. Laga bilaabo aragtida daraasadda baahida wadajirka ah (JNA) sida lagu soo koobay qoraalka kor ku xusan, taas oo laga dareemi karo inay aad uga fog tahay ama aysan suuragal ka noqon Karin Soomaaliya maanta. Seddex istraatiijiyadood ayaa la soo jeedinayaa si lagu horumariyo aragtidan. Tan kobaad, inaan la isku uruurin karin ama la kulmin karin aragtidan lakiin in lagu gaari karo natiijooyin iyo max-suul-hoosaayo la higsado ama la raaci karo, kuwaasi oo aan ahayn arrimo dhab ah ama si dhab ah loo qeexay marka loo eego xiriirka ay wadaagaan ama u dhexeeya. Arrimahan waxa lagu soo bandhigay natiijooyinka ku salaysan nooc-qiyaaseedka xaaladaha imminka jira (Results-Based Matrix). Istraatiijiyadda labaad, waa in la raaco hannaanka sida kooban loo qeexay ee heerka xisaabtan hufan, mamul-wanaagga la iska dhex arki karo islamarkana laga qaybgalinayo hidisayaasha mid kasta oo noocyada maamul wanaagag ku salaysan. Maamul wanaagga waxa lagu caddaynayaa hab-raacyada wanaagsan ee sida xeesha dheer loo agaasimay kuwaas oo qaab-dhismeedka maamulku leeyaahy saamayn dhisme tayo leh. Istraatiijiyadda sedexaadna, wa dhismaha awoodaynta xirfdaha shaqada iyo sare u qaadista baahida wadajirka ah hadafka midaysan iyo muhiimadda guulaysiga lagu maareeyo. Waana inay ahaato mid sugan, la tijaabiyey, laga xaqiijiyey taabagalinteeda, lehna nidaam iyo in laga wada qaybgalo. Waana in ilaha hawlgalladu ay ku wejahan yihiin kobcinta hawlwadeennada, xooggana la saro kuwa ugu muhiimsan hay’adaha, laakiin ay ka mid yihiin kooxaha baahsan ee hawlaha wada fuliyo si loo waafajiyo hannanka dimuqraadiyada soomaliya. Sixitaanka waxbarashada rasmiga ah ee dhallinyarada iyo waxbarashada dadban ee dhallinyarada da’doodu ay weynaatay , raga, haweenka, waxay yihiin qaybaha ugu muhiimsan kobcinta aqooneed iyadoo sidoo kale, carruurta dugsiyada hoose dhigata, wiilal iyo gabdhaba waxbarashadooda la kobcinayo. Farsamooyinka horseedka ah sida; aqoon-Dirsadka, kuwa mar hore ka qaybgalay noocyada mashaariicdaas waxbarasho waa n loo sii kordhiya, lana sii baahiyaa kaalintooda aqooneed. Shirkadaha madaxa-bannaan waa iyagana la xoojiyo aqoontooda iyo xirfadaha lagu kobcinayo hawlgalladooda si loo horumariyo waaxda gaarka oo door muhiim ah ku leh dhismaha bulshada. Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 10 2006, page 10 37. haddii ay soomaalidu awooddeeda u jahayso inay xoogga saaraan sidii ay ku hanan lahaayeen hannaanka maamul wanaagga, amaanka iyo xurmaynta sharciga iyo kala dambaynta, waxaa hubaal ah inay si hufan u bilaabi karaan hawlgallada ka soo-kabashada dhibaatooyinka dhinaca Deegaanka; islamrkaana ay si lixaad leh uga manaafacaadsan karaan khayraadka dabiiciga ah ee dalkooda iyo dadkooda, ayna nabadaynta uga faa’iidaystaan hodantinimada sii kordhaysa ee hantida ay dibadda ku leeyihiin iyo dhaqaalaha xawlaadaha kuwaas oo lagu abuuri karo barwaaqo iyo nolo wacan oo lagu horumarin karo Soomaaliya oo dhan. Executive Summary, Somali JNA Governance, Security and the Rule of Law Cluster Report, Draft 01, June 16, 11 2006, page 11