SFG3671 Gurmadka Abaarta Soomaaliya iyo Mashruuca Adkeysiga (SEDRP) Qaabhawleedka Maareynta Deegaanka iyo Bulshada (ESMF) Xubinta 2 War kooban Juun 19, 2017 War kooban Mashruuca Gurmadka Abaarta Soomaaliya iyo Adkeysiga (SEDRP) waxaa ka mid ah taageero FAO oo loogu talagalay xoojinta sugnaanta cuntada iyo adkeysiga hab-nololeedka miyiga. Mashruuca waxaa la fulin doonaa iyadoo la ballaarinayo taagyeerada waaxyo badan oo FAO ah oo loogu talagaley kor u qaadista iyo xoojinta hawlgallada barnaamijyada socda ee ka hortagga macaluusha, waxkaqabashada abaaarta iyo dhisidda adkaysiga. Xubinta 2 – Taagyeerada Qorshaysan ee FAO ee waxkaqabashada Abaarta oo degdeg ah ee iyo Dib-u-soo kabashada (US$30 malyan) Xubintaani waxay gacan ka geysan doonta Ka-hortagga Macaluusha FAO iyo Qorshaha waxka abashada Abaarta ee sanadka 2017, iyadoo ujeedadu tahay kordhinta degdeg ah ee helidda cuntada, samatabixinta hab-nololeedyada iyo hantida, iyo taageerida soo kabasho waaritaan leh ee hababka beeraha iyo hab- nololeedka xoola-dhaqatada bulshooyinka bartilmaameed ah. Waxqabadyada hoos yimaada xubintaan waxaa loogu talagalay in gacan laga geysto abbaaridda baahiyaha cuntada degdegga ee qoysaska abaartu saamaysay, halka sidoo kale la dardargelinayo dib u soo kabasha hantida waxsoosaarka, waxsoosaarka cuntada, iyo hababka hab-nololeedka. Waxqabadyada ayaa sidoo kale loogu jaangooyey in isku mar ah la bixiyo gargaar degdeg ah muddo-gaaban iyo taageero samatabixin iyo dib u kabashada hantida (kaabayaasha, waxgashiyada, xirfadaha, shaqada) taas oo xoojineysa adkeysiga muddo-dheer ee waxsoosaarka beeraha iyo habaka hab-nololeedka miyiga. Waxqabadyada hoos yimaada xubintaan waa sida soo socota: Xubin-hoosaadka 2.1 - Lacag-shaqo-ku bixin loogu talagaley baahiyaha cuntada oo degdegga iyo dib u soo celinta kaabayaasha biyaha (US $ 6, 44 malyan): Xubin-hoosaadkaan wuxuu taageeri doonaa sare u qaadidda barnaamijyada lacag-shaqo-ku- bixinta-FAO oo siinaya qoysaska nugul lacag cadaan ah si degdeg loo helo cunto iyo biyo iyo in muddo laba iyo toban toddobaad ah la hawlgaliyo shaqo mushaari ah. Hawlaha lagu taageeray iyadoo loo marayo shaqada waxaa ka mid noqon doona dib u dhisidda biyo galeennada (waraha), dayactirka kanaalada yaryar waraabka ee hadda jira oo isugu jira labaadka iyo saddexaad, dhisidda carro-moos lagu xakameeyo ciid-hallowga, dib u xiridda qararka jabsan ee webiga si loo dhimo fatahaadda, iyo dayactiridda kaabayaasha biyo-qabatinka (waraha) iyo biyo-kaydinta. Ka- faa'iideysteyaashu waxay heli doonaan lacag caddaan ah amminka diiwaangelinta, oo u dhiganta inta laba todobaad shaqo lagu bixiyo. Qoysaska aan awoodin in ay ka qayb qaataan mashaariicda shaqada iyadoo sabab u yihiin da'da, caafimaadka, ama tixgelinno kale waxay heli doonaan lacag caddaan ah oo aan shuruud lahayn. Xubin-hoosaadka 2.2 – Lacag-cadaan Degdegga iyo Taagyeeridda Hab-nololeedka Beeraha (US $ 9,66 malyan): Xubin-hoosaadkaan wuxuu taageeri doonaa soo kabashada hababka waxsoosaarka beeraha iyo hagaajinta cunto helidda bulshooyinka aagga webiyada si loogu taageero kor u qaadidda barnaamijka FAO ee “Lacag-cadaan iyo dheeri” (Cash+). Barnaamijkaani wuxuu bixinayaa lacag caddaan oo shuruud lahayn iyo wax-gashiga hab-nololeedka oo la siinayo qoysaska si ay daboolaan baahiyahooda cunto oo dedegga oo isla mar ahaantii dib la soo celinayo waxsoosaarkooda dalagga ama helitaanka kalluunka. Iskudhafkaan gargaarku wuxuu beeralayda ka caawinayaa soo celinta aasaaska hantidooda waxsoosaar iyada oo loo marayo abuur siinta iyo waxgashiyada kale, oo wuxuu u diyaarinaya xilliga waxbeerashada soo aadan. Iyadoo isku mar la siinayo lacag caddaan ah iyo waxgashiga beeraha, qoysaska beeraleyda ah waxay awoodi kari doonaan inay daboolaan baahiyahooda cunto muddo gaaban ilaa iyo inta dalagyada la soo goosanayo karayo oo la xiriirta wareegyada dalagga hadda jira iyo kan waqtiga soo socda. Goobaha ay ka jiraan suuqyo si fiican u shaqeynaya, nidaamka foojarka (waraaqda lacag bixinta) ayaa la isticmaali doonaa si loo dhiirigeliyo codsiga baahida iyo saadsiinta suuqqa-lasocota ee waxgashiyada loo baahan yahay (abuurka, Bacriminta) iyo adeegyada (sida dhul diyaarinta, matoorrada waraabka). Foojarradu waxay ansax ka noqon doonaan oo keliya suuqyada ku yaal meeshii guriga qaateyaasha bulshada ka tirsan ay degenaayeen abaarta ka hor, taas oo sidoo kale caawin doonta dhiirrigelinata dib celinta dadka barakacayaasha ah. Intaa waxaa dheer, barnaamijku wuxuu beegsan doonaa qoysaska nugul ee bulshada aagga dhulka webiyada, iyadoo la siinayo lacag caddaan ah oo ay la socoto xirmooyin ah qalabka lagaga kalluumaysto webiyada. Kordhinta quudashada kalluunku waxay wanaajin doontaa tayada quudka ee xagga borotiinnada muhiimka ah, fitamiinnada iyo nafaqeeyeyaal yaryar, oo ay ku jiraan calcium, birta, zinc iyo fitamiinada A, B12 iyo D. Tani waxa kale duwi doonta anfacada taas oo sida kale u jaanjeerta in ay diiradda saarto karbohaydaradyada. Xubin-hoosaadka 2.3 – Dib-u-soo-celinta Hab-nololeedyada Xoolo-dhaqatada (US$8.05 million): Si loo dhawro hantida xoolaha iyo hab-nololeedka xoola-dhaqatada, xubin-hoosaadkaan wuxuu taageeri doonaa kor u qaadidda FAO ee waxqabadyada gurmadka degdegga xoolaha ee guud ahaan Soomaaliya. Xoolaha goobaha bartilmaameedka ah waa laga tallaali/daaweyn doonaa caabugyo noocyo kala duwan oo halisgelinaya wax soo saarka xoolaha, qiimaha, caafimaadka iyo noloshaba. Ximooyin calaf daaq ah ayaa la siin doonaa si loo wanaajiyo caafimaadka xoolaha. Waxaa laga yaabaa in tababar la bixiyo si loo kordhiyo tirada kooxaha xoolaha daweeya si ay u awoodaan in aqoonsadaan astaamaha nafaqo-darrida iyo curdurrada xoolaha oo siiyaan daaweynta ku haboon iyo tallaalada. waxqabadyada kale ee laga yaabo in lagu taageero oo hoos yimaada xubin kaan waxaa ka mid ah xoolo-siin ari ah oo muddo dhexe ah, markii caafimaadka xooluha uu hagaago oo xaaladaha cimiladu habboonaato. Si loo kordhiyo helitaanka guud ee calafka xoolaha xilliyada abaarta iyo abaar la’aanta, xubin- hoosaadkaan wuxuu gargaar ka geysan doona waxsoosaarka calafka ee iskaashato iyo heer bulsho ah iyadoo la siin doono abuura miraha ku haboon iyo qalabka loo isticmaalo wax beerista, daryeelka, goosashada iyo keydinta calafka iyo tababaridda beeraleyda si loo kordhiyo waxsoosaarka calafka guud ahaan. Xubin-hoosaadka 2.4 – Xoojinta Udiyaargarowga Musiibada, Kormeeridda iyo Hababka Digniinta Hordhaca (US$1.61 malyan): Si loo hagaajiyo awoodda bulshooyinka nugul, dawladda, iyo bani'aadamnimada iyo la-hawlgalayaasha horumarinta si loogu diyaargaroobo oo looga jawaabo abaarta, xubin-hoosaadkaan wuxuu taagyeeraa hawlo kala duwan oo hagaajin doona hawlaha waxkaqabashada abaarta hadda taagan iyo mustaqbalka iyo ka hortagga macaluusha. Xubin-hoosaadkaan dhexdiisa, waxaa lagu taageeri doonaa bulshooyinka nugul si loo horumariyo udiyaargarowga abaarta heer-bulsho iyo qorshayaasha ka jawaabidda, la socodka cimilada iyo awoodaha saadaalinta ayaa lagu xoojin doonaa hindisaha FAO ee habka maareynta macluumaadka biyaha iyo dhulka ee Mashruuca Habka Mareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka (SWALIM), iyo soosaaridda, maareynta, iyo faafinta xogta digniinta hordhaca oo la hagaajin doonaa iyada oo loo marayo taagyeero la helo Unugga Falanqaynta Nafaqda iyo Sugnaanta Cuntada (FSNAU). Xubin-hoosaadka 2.5 – Maareynta Mashruuca (US$4.24 malyan): Xubin-hoosaadkaan wuxuu maalgelin doonaa hawlaha soo socda: (i) kharashka hawlgalka tooska ah ee qorshaynta iyo hirgelinta masharuuca; (ii) kharashyada hawlgalka tooska ah ee FAO, (iii) kharashaadka dadban, ama guud ahaan kharashyada adeegga mashruuca iyo maamulka. Maalgelinta Xubinta 2 ee Mashruuca Xubin- WB Tafaasiisha Xubinta hoosaadka (US$M) Lacag-shaqo-ku bixinta ku saabsan baahiyaha cunto degdegga iyo 2.1 6.44 dib u soo celinta kaabayaasha biyaha Lacag-cadaan Degdegga ah iyo Taagyeeridda Hab-nololeedka 2.2 9.66 Beeraha 2.3 Dib-u-soo-celinta Hab-nololeedyada Xoolo-dhaqatada 8.05 Xoojinta Udiyaargarowga Musiibada, Kormeeridda iyo Hababka 2.4 1.61 Digniinta Hordhaca 2.5 Maareynta Mashruuca 4.24 Total 30.0 Qabanqaabo hay'adeedka iyo Hirgalinta FAO Soomaaliya waxay masuul ka noqon doontaa hirgelinta dhammaan hawlaha hoos taga Xubinta 2 oo ku salaysan jaangoynta mashruuca, iyo soo iibsiga, maareynta maaliyadda, bixinta, iyo ilaalinta habraacyada FAO sida ay raaci doonto hay'adda Qaramada Midoobay ee hirgelinta. Iskaashi xoog leh ayaa goor horeba ka dhexeeyey Bangiga Adduunka iyo FAO, kaas oo suurtogeliyey hirgelin guul leh ee mashaariic hore oo IDA-maalgelisay. Waxaa intaa dheer, hawlaha lagu faahfaahiyey Xubinta 2 dhexdeeda oo hoos yimaada himilada FAO ee Ka-hortagga Abaarta iyo Qorshaha Waxkaqabashada Abaarta sanadka 2017, taas oo ujeedadeedu tahay in la sameeyo waxqabadyo nafbadbaadin iyo taagyeero hab-nololeed oo degdeg ah (i) daboolidda baahiyaha degdegga oo cunto iyo biyo ah; (ii) ku taageeridda hab- nololeedyada lacag caddaan ah iyo wax-gashiyo (Cash+); iyo (iii) badbaadinta hantida xoolaha iyo cuntada iyo dakhliga la xiriira. FAO Soomaaliya waxay mas'uul ka noqon doontaa guud ahaan xiriirinta iyo hirgelinta howlaha mashruuca ee Xubinta 2 iyadoo adeegsanaysa shaqaalaheeda goobta jooga iyo qandaraasyo-hoosaad ay la gasho la- hawlgalayaasha wax hirgelinta maxaliga ah (NGOs, Ururrada Bulshada ku salaysan (CBOs), ururo xirfadleyaal). Xafiiska Dalka ee FAO Soomaaliya ee Nairobi iyo Muqdisho, ee hoos yimaada hoggaanka Wakiilka FAO ee Soomaaliya, wuxuu kormeer guud ku samayn doonaa khaladaadka iyo caymiska tayada si loo xaqiijiyo hirgelinta mashruuca guuleysta, oo ay ku jiraan dhammaan dhinacyada ammaanada, ilaalinta, la socodka, iyo ka warbixinta horumarka mashruuca. Qaabka Bartilmaameedsiga iyo Hirgelinta Xubinta 2 ee SEDRP waxaa laga fulin doona dhammaan degmooyinka ay FAO hadda si firfircoon uga hawlgasho oo qayb ka ah hawla socda ee barnaamijka degdegga ee ka Hortagga Macaluusha iyo barnaamijka Waxkaqabasha Abaarata, iyo meeshii ay suurtogal tahay in wax laga fuliyo iyada oo loo marayo wada-hawlgalayaasha NGO-yada maxaliga ah. Ukuurgalka lacagaha iyo hawlaha ku saabsan wareejinta lacagta cadaanka ah iyo taageeridda hab-nololeedka beeraha waxaa lagu salayn doonaa saddex heer oo bartilmaameedsi. Kow, bartilmaameedsiga heer degmo, FAO waxay ku shaqeyn doontaa iyadoo u mareysa Isbahaysiga Sugidda Cuntada in la baaro culeysyada arrinta Heerka 3 iyo 4 ee IPC, aqoonsashada meelaha baahiyaha degdegga ugu badan ay ka jiraan iyo iyo meelaha ay ka jiraan goldaloollo hadoodilan. Degmooyinka gudahood, iyada oo loo marayo la tashiyada Guddoomiyaha Degmada, NGOska, iyo daneeyayaasha kale ee deegaanka, FAO waxay go’aamin doontaaa meesha degmada gudaheeda ka tirsan ee falgaleyaasha waxqabashada ay ka hawlgelayaan iyo meesha baahidu aad ugu weyn tahay. Ugu dambeyntii, FAO waxay la shaqayn doonta NGOs-ka iyo odayaasha tuulada si loo cayimo baahiyaha gaarka ah ee heer tuulo, taasoo oo imaaneysa in la diiwaaniyo (liisgareeyo) shaqsiyaadka ka-faa’ideysteyaasha ah. Iyadoo tani ay ka mid tahay Bartilmaameedsiga heer-tuulo, FAO waxay xaqiijin doontaa inta ugu yaraan la daboolayo oo ku jiraan haweenka iyo qoysaska haween ay ka- madax yihiin, iyo sidoo kale kooxaha kale ee nugul, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn shakhsiyaadka waayeelka ah iyo dadka naafada ah. Ujeeddooyinka Qaab-hawleedka Maareynta Deegaanka iyo Bulshada (ESMF) Ujeedada Qaab-hawleedka (ESMF) wuxuu hubinayaa in maareynta deegaaneed iyo busho ay lifaaqan tahay wareega horumarinta qayb-hoosaadyada mashruucyada. Inkastoo mashruuc hooseedyada aan la jaangoyn bilowga mashruuca, laakiin waxaa la go’aamin doonaa inta lagu guda jiro agaasimidda mashruuca iyadoo sal looga dhigayo baahida codsiga iyo la tashiyada bulshooyinka ay khusayso, ESMF- tu waa aalad ku habbon oo ku cad siyaasadda howlgalka bangiga PO 4.01 ee ku saabsan Qiimaynta Deegaanka. ESMF-ta waxaa lagu talagaley inuu noqdo qalab waxku-ool ah si loogu hoggaamiyo tilmaamidda iyo yareynta waxyeellada daran ee saamenynada ku yeelan karta deegaanka iyo bulshada maalgelinta la soo codsaday iyo in loo adeegsado sida barkulan (platform) lagu wadatashi oo kala dhexeeya ka qayb-qaateyaasha iyo iyo ka-faa'iideystayaasha mashruuca imaan kara. ESMF-ta waxaa loo diyaariyey si waafaqsan nidaamka bangiga (Bank’s OP 4,01) iyo sidoo kale nidaamka hab-raacidda FAO ee Maareynta Deegaameedka iyo Bulshada. ESMF-ta waxaa sidoo kale lagu dabaqi karaa Siyaasadda Howlgalka Bangiga (OP 4.09) ee Maareynta Cayayaanka iyo Cudurrada. ESMF-ta waxaa ka mid ah agab wax ku-kala-soocid si loo aqoonsado mashruuc hooseedyada laga yaabo in ay u baahadaan diyaarinta qorshe Maareynta Cayayaanka iyo Cudurrada (PM) oo sahlan; iyo in uu bixiyo hoggamin ku saabsan diyaarinta Maareynta Cayayaanka iyo Cudurrada (PM). ESMF-tu waxuu tilmaamayaa dhaqaajiyeyaasha siyaasadda mashruuca, tabaha ku kala soocidda mashuurc-hoosaadyada, saameynnada ay ku yeelanayaan deegaanka iyo bulshada ee laga filan karo mashruucyo-hoosaadyada iyo tallaabooyinka yareynta oo lagu dhimayo halisaha la aqoonasaday, qiimaynta awoodda hay’adeedka hay’adda hirgelinta iyo tallabooyinka ku saabsan awoodda-buuxinta goldaloolooyinka, iyo qiyaasta miisaaniyadda loogu baahan yahay hirgelinta ESMF-ta. Ilaanlinta Siyaasadaha Bangiga Adduunka SEDRP-da waxaa loo kala saaraa sida tixraaca Qaybta B ee deegaaka si ay qabto siyaasadda Howlgalka Bangiga Addunka (OP 4.01) ee qiimaynta deegaanka. Mashruuca waxaa laga filayaa inuu saameyn weyn oo waxtar leh ku yeesho deegaanka iyo bulshada, oo ay jiri karto saamayno tabane oo yaryar oo meelo ku kooban. ESMF-ta waxaa loo sameeyey in lgu hubiyo waxyaabaha laga doonayo deegaanka iyo bulshada ee mashruuc hooseedyada. Bangigu wuxuu ilaalinayaa siyaasadaha ku saabsan Qiimaynta Deegaanka (OP 4.01) iyo Maareynta Cayayaanka iyo cudurrada isagoo dardargelinaya Xubin- hoosaadyada 2.1, 2.2, and 2.3. ee SEDRP. Xubin-hoosaadyada 2.4 iyo 2.5 halis u ma laha deegaanka amase bulshada. Siyaasadaha iyo Hab-raacyada Maareynta Deegaanka iyo Bulshada ee FAO SEDRP waxaa lagu kala tilmaamay sida halis dhexdhexaad ah oo waafaqsan Tusaalooyinka Maareynta Deegaanka iyo Xeerarka Bulshada ee FAO. Si loo hubiyo in mashruucu uusan u keenin khatar saamayn taban ee deegaanka iyo bulshada, waxaa lagama maarmaan ah in la qaado qaar ka mid ah tallaabooyinka yaraynta halista. Hindisahu wuxuu kicinayaa nidaamka samatabixinta 3 ee FAO oo ku saabsan Khayraadka hidda-sidka dhirta ee Cuntada iyo Beeraha (FAO safeguard 3 Plant Genetic Resources for Food and Agriculture). Wadatashiyada Dadweynaha iyo Daahfuridda Bangiga Adduunka iyo FAO waxay u baahan yihiin in la-talinta daneeyayaasha in la sameeyo inta lagu jiro qorshaynta, hirgelinta iyo wejiyada hawlgalka mashruuca. Iyadoo qayb ka ah diyaarinta SEDRP-da, la- talintu waxay ahayd nidaam socda oo lala wado daneeyayaasha iyo ka-faa'iideystayaal kale oo muhiim ah. Iyadoo la tixgelinayo habka ka qaybqaadashada loo isticmaalo inta lagu guda jiro fulinta mashruuca, la tashiga bulshada ka-faa'iideystayaasha ah wuxuu noqon doonaa qayb muhiim u ah aqoonsiga mashruuca-hoosaadka, xulashada, jaangoynta, fulinta, iyo kormeeridda. Natiijooyinka ESMF ESMF-tu waxay hoosta ka xariiqaysaa habka aqoonsiga iyo qiimaynta saamaynnada ku dhici kara deegaanka iyo bulshada ee mashaariic hoosaadyada (iyo hawlaha) iyo tallaabooyinkooda yaraynta. ESMF- tu waxay soo gabagabeysay in inta u badan mashaariic hoosaadyada la qorsheeyay laga filayo in ayan wax saameyn ah lahayn ama wax aad u yar iyo saamayno tabane oo yar, iyo in ay la imanayaa tallaabooyin yarayn ku saabsan saamaynnada xun ee ka iman kara. Iyadoo jaagoyn la samaynayo, mashruuca waxaa la filayaa inuu deegaanka u yeesho faa'iidooyin ka waaweyn oo ka badan saamaynnada xunxun. Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo aqoonsan yahay in saamaynno yaryar oo tabane ah ay dhalin karaan saamaynno waaweyn haddii aan goor hore la aqoonsan inta lagu guda jiro wareegga qorshaynta, oo aan tallaabooyinkooda yaraynta lagu lifaaqin qorshaynta iyo fulinta mashruuca. Mashruuc hoosaadyada leh saamaynno tabane ku ah deegaanka iyo/ama bulshada waa in lahaadaan Qorshasha Maareynta Deegaanka iyo Bulshada oo u gaar ah si loogu tallaabooyinka yaraynta, kormeeridda iyo dawliga ah oo la qaadayo inta lagu guda jiro marxaladaha kala duwan ee mashruuca (jaangoyn, dhisme iyo hawlgal). Kooxda FAO ee fulinta SEDRP-ta waxay la shaqayn doontaa bulshooyinka si loo sameeyo mashruuc- hoosaadyo (ESMPs) goobta u-gaar ah sida looga baahan yahay sida qayb ka mid ahaashaha aqoonsiga mashruuca-hoosaadka iyo diyaarinta hab-raaca. Koox saddexaad oo madax bannaan waxaa qandaraas lagu siin doonaa in ay bixiyaan adeeg farsameed madax-bannaan iyo kormeeridda barnaamijka inta lagu guda jiro fulinta. Ka warbixinta badbaadada qaabka waxqabadka ayaa waxaa loo soo bandhigi doonaa dadweynaha si qayb ka ah Ka Warbixinta Xaaladda Hirgalinta (ISR) hab-socodka faafinta, waxaa laga helikaraa bogagga mareegta www.worldbank.org , bogga dalka Soomaaliya, oo hoos yimaada "mashaariicda" tab.