Daraasadda Baahida wadajirka ah ee Soomaaliya iyo barnaamijka Dib-u-dhiska iyo Horumarinta DULMAR KOOBAN-PRODUCTIVE SECTOR DRAFT June 2006 UNDG World Bank DULMAR KOOBAN-PROCTIVE SECTOR 1. Warbixintani waxay wax ku kordhinaysaa dadaalka daraasadda wadajirka ah ee Soomaaliya-JNA. Taas oo hadafkeedu yahay sidii loo dhisi lahaa barnaamijka horumarinta waaxda wax soo saarka ee dhaqaalaha iyo deegaanka. Barnaamijkan wuxuu ka kooban yahay siyaasadda waxqabadka iyo maalgalshiga-dhinacayada dawladda iyo kan gaarka ah ama madaxa-bannaan. Natiijooyinka ugu muhiimsan ee barnaamijkani waa sidii loo kordhin lahaa maalgelin iyo sidii loo abuuri lahaa dakhli guud, heerarka sare ee shaqaalaynta, hoos- u-dhigidda saboolnimada iyo hagaajinta badbaadada cuntada iyadoo xoogga la saarayo goobaha go’doonka ah. Baaritaanno lagu sameeyey arrimaha ugu waaweyn ee dhinaca beeraha ayaa si gaar ah loo tixgelinayaa Somaliland, Puntland iyo goobaha Koonfurta- Bartamaha, maxaa yeelay inkastoo ay jiraan tiro badan oo is-ekaansho am isku qaab ah, haddan waxaa jira qaar aad u kala duwan midkasta oo ka mid ah. Dhinaca kale, deegaanka iyo waaxda gaarka ah horumarintooda, waxaa laga baaraan-degayaa seddex goobood, maxaa yeelay arrimahani waxaa iyagana laga baaraan-degayaa iyadoo aysan jirin kala arrimahaasi waa kuwa isku mid ah si looga taxadaro inay isku soo noqdaan ama isa saameeyaan. Dulmarkan kooban waxaa arrimahan lagaga hadlayaa iyadoo aan si gooni ah seddexdooda arrimood loo kala qaadaynin, waayo gebegebada iyo talo-soo-jeedinta ayaa lagu wejahayaa dhammaan goobahaas. Gebegebada iyo talo-soo-jeedinta way ka duwanaanayaan farqiyada goobahaas iyadoo ay ka wada hadli doonaan waaxyaha ku habboon. 2. bartimaameedka warbixintani waxay leedahay fursado horumarineed iyo toobiye fursadahaas lagu sii amba-qaadayo sidii loogu xoojin lahaa samafalka guud ahaan soomaalida. Inkstoo burbur lixaad leh iyo dhibaatooyin ay saameeyeen dadweynaha 15kii sano ee la sooo dhaafay, haddana waa jiray fursado tixgelin mudan oo seddexda goobood laga qaaday oon wax ku ool ah. Mid ka mid ah sababahaas oo ah niyadsamida dhinaca mustaqbalka ayaa ahayd tamar aan xayi ah oo aan marka ka daalaynin inay saadaaliso rajo iyo horumar soo fooleh, taas oo weli ka jirtay dareenka hoggaamiyaasha soomaalida iyo shirkadaha gaarka ah. Waa hubaan in hanti fara badan oo ma guurto ah oo Soomaaliyeed, muuqal ahaan iyo nolol ahaanba si lixaaad leh ugu baaba’day xilliga dagaalladu ay socdeen, haddana niyadsamida dadka Soomalidu weli waa ay xoog badan tahay. Warbixintani, waa caddahay sida ay dhibaatadaas u tilmaantay laakiin waxaa weli muuqata rajo iyo niyadsami in waqti aan sidaasi u fogayn laga qaalib noqon doono hadimooyinkaas, lana xallin doono dhibaatooyinka jira, loona jahayasan doono dib-u-dhis iyo horumar tabbagal ah- taas oo loo qaadan karo in lagu guulaysanayo heshiisyo nabadeed oo waara. Labada mawduuc ee ugu waaweyn ee ka soo if-baxay hawlahan ayaa ah; midda hore, waxyeelaha lixaadka leh ee saamaysay deegaanka iyo mudnaanta ay leedahay in waxqabad rasmi laga geeysto sidii dib- loogu habayn lahaa soo kabashada iyadoo qaabka ugu habboon loo marayo. Tan labaad ee muhiimka ahi waa; sidii loo abuuri lahaa sare u qaadista dhaqaalaha guud ahaan, iyo sidii shaqaalaha loo hawlgalin lahaa, loona abuuri lahaa dakhli guud iyo hoosna loogu dhigi lahaa faqriga iyo saboolnimada. GEBEGEBO Deegaanka 3. deegaanka ayaa si lixaad leh loo dhibaateeyey, maxaa yeelay ma aysan jirin dawlad, iyadoo ay sii korodhay mas’uuliyad darro xad dhaaf ah oo kooxaha awoodda lihi ay ku tagri fasheen dhulkii daaqsinta ku habboonaa, kaddib markii ay baabi’iyeen dhirtii, taas oo dhaxalsiiyey inay ugartii iyo duur-joogtii ay dabar-go’aan ama ay ka carareen colaadda oo ay meelo kale u baxsadeen, islamarkaana carro-guurku wuxuu noqday mid caadi ah oo dalkoo dhan ka dhacay. Dhacda naxdinta leh waa dhuxusha oo weli dibadda looga dhoofiyo Soomaaliya, iyadoo ay jirto culays ka soo foodsaaday muddo fara badan dalalka oo laga xayiray in dibadda loo iibgeeyo. Khayraadka badda ayaa isna si xun loogu talax-tagay 15kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay kalluumaysiga si aan naxariis lahayn ay ugu hawlanaayeen maraakiib shirkado shisheeye oo kalluumaysato ah, kuwaas oo waxyeelo u gaystay khahyraadka dabiiciga ah ee badaha, taas oo la saadaalinayo qaybo muhiim ah oo khayraadkaasi ka mid in la xaalufiyey oo aan dib dambe loo heli doonin, haddii aan tallabooyin deg deg ah laga qaadin sida ugu dhaqsiyaha badan. Sidaas darted waxaa warbixinta lagu soo gebegebeeyey in loo baahan yahay tallaabooyon deg deg ah oo xiriir ah oo lagu jaangoynayo si lagu muujin lahaa dhibaatooyinkaas iyo hadimooyinka kale ee dhinaca deegaanka la soo gudboonaaday, taas oo qayb ka ah dib-u-dhiska iyo barnaamijka horumarinta, iyadoo laga bilaabayo xakamaynta jarista dhirta dhuxusha laga gubayo iyo samaynta diraasad warbixinta ee la xiriirtan deegaanka, kaas oo ay ka mid yihiin dasaarad lagu samayn doono dhammaan khayraadka badda. Waaxda Xoolaha nool 4. inta badan ee dadweynaha Soomaaaliyeed waxay ku tiirsan yihiin heer-nololeedka xoolaha nool laakiin waxyeelo welwel leh ayaa soo foodsaartay, iyadoo qaybaha qaarkoodna la baabi’iyey intii ay socdeen abaarihii ugu dambeeyey ee afartii sano ee la soo dhaafay (kuwaas oo dhammaday 2004), iyadoo si aan loo aabba-yeealayn loo ciribtiray dhirtii iyo daaqsintii xoolaha, lagana dhigtay dhuxul, kaddib markii xayiraad lagu soo rogay xoolaha nool ee loo dhoofin jiray dalka BoqortoodaSsucuudi Carabiya. Tirada xad-dhaafka ahayd ama la yaabka lahayd ee idaha iyo riyaha ayaa sare u sii kacaysay dhoofintooda wixii ka horreeyey dagaalka. Markaas oy ahayd arrin dhiirigelin mudan, halka calafka xoolaha uu ahaa dhirta, kuwaas oo dabayluhu ay la xaalufiyeen dhulkii daaqsinta iyo calafka xoolaha abaabaraha awgood. Sidaas darted waxay gebegebadu noqonaysaa in la maareeyo mustaqbalka xoolaha nool iyo istraatiijiyadda suuqgaynta, taas oo u bahan in lagu saleeyo is-bedeleda xiiliyada ee dhul-daaqsimeedka la seeraynayo bartamaha iyo waqooyiga dhul- daaqsimeedka ku yaalla haddii wax soo saarka calafka xoolaha la dhawri karo xiiliyada abaaruhu jiraan si dib looga faa’iidaysto. Dhinaca koonfurta dhulka webiyadu ay maraan, ayaa iyaga xitaa ay aabaaruhu si ba’an u waxyeeleeyeen xilliyada qaarkood, taas oo aan ka xusi karno 2005/2006. dhibaatooyinka halista ah ee lo’ada haysta ee deegaannadaas, ayaa waxaa ka mid ah Diqsiga Gendiga ee dhaliya cudurrada qaniinka laga qaado ee waydeeye xoolaha nool siiba Lo’da ee loo yaqaan( protozoa Trypanosomiasis), kaas oo hoos u dhiga wax soo saarka, ugu dambayntiina sababa dhimasho. Maxaa yeelay Diqsiga dhulka gosha ah ku nool wuxuu halis ku yahay Lo’da, umana suuragalayso inay daaqdo dhulka webiyada oo ah goobaha ugu wanaagasan daaqsinta. Sidaas darteed, waxaa lagu soo Gebegebeeyey in barnaamijkii dabar-goynta Gendiga ee dagaalka ka hore si weyn loo taabbagaliyo. 5. dhammaan xoolaha nool ee gobollada laga dhoofiyo waxay u baahan yihiin baaritaanno iyo hab-raacyada caafimaadka xoolaha ee wanaagsan lagu sameeyo, sidaas darted, Soomaaliya waxay dib-u-hanan kartaa suuqii ka lumay ee Bopqortooyada Sucuudiga shan sano ka hor, maxaa yeelay, waxay ku qanci waayeen Sucuudigu, xaaladda aan habboonayn ee xoolaha laga keenayo dalka Soomaaliya. Sida lagu xusay warbixinta, qaabka tijaabooyinka xilligan ee xoolaha oo ah mid soo noqnoqonaya, kaddib markii ilaa seddex baaritaan oo xiriir ah lagu sameeyo goobaha xitaa kuwa ku dhaw Dekedaha ee loo samaynayo shahaadooyinka ruqsadda, taas oo waqti, kharaj badan uu ku baxayo, dhibna ku ah xoolaha qudhooda. Dhinaca kale, marka laga dhaqaaqo min hab-raacan ku aadan dhinaca shahaadada caddaynta ruqsadaha dhoofinta xoolaha, waxaa iyana loo bahan yahay in la cirib-tiro cudurrada ka soo jeeda degmada ay xooluhu ka yimaadaan asal ahaan iyo u soo rarista xoolaha ilaa dekedaha, taas oo aan halis u ahayn caabuqa waxyeeleeya dhirta iyo xoolaha. Halka ay ku raista xoolaha gaadiidka la saarayo ay ka badbaadiso caabuqa iyo cudurrada kale jirkooda wiiqa, taas oo lagu gaari karo in la cirib-tiro cuddurada ay ku qabaan ama ka qaadi jiraan sanooyinka badan degmada. Gebegebadii hore ee barnaamijkan isaga ah ayaa la xiriirtay xoojinta waaxyaha dawladda iyo kuwa dadka gaarka ahi leeyihiin xannnanada xoolaha iyo daryeelka la xiriira, islamarkaana la ciribtiro cuddurrada, lana maqalgeliyo sidii arrintaas si dhaqso ah loogu tallaabasan lahaa. Waxa kaloo gebegebada lagu xusay in marxaladda gaaban iyo midda dhexe inaysan jirin fursad aan ka ahyn qaabka baaritaanadda tijaabada ah haatan lagu sameeyo xoolaha dibadda loo iibgaynayo, balse la doonayo in lagu kordhiyo istraatiijiyad maalgelineed oo taabagal ka dhigaysa horumarinta tayada iyo suuqgaynta xoolaha nool, taas oo waafaqsan qiimaha ku baxaya xoolaha iyo waxyeelada soo gaaraysa. Warbixintani waxay kaloo gebegebada ku tilmaamaysaa muddada lagu jiro marxaladaha gaaban iyo dhexe, waxaa laga doonayaa golayaasha xoolaha qaabilsani ay iskaashi iyo is-bedel xoog leh ay ku wejahaan horumarinta baaritaannada iyo nidaamka bixinta ruqsadaha shahaadooyinka lagu xaqiijinayo ciribtirka cudurrada halista ah. Waana in golayaashu ay si wadajir ah u diyaariyaan warbixin muddo sannad ah la xiriirta sidii maalgelin loogu heli lahaa hawlgalkan isaga ah. Beeraha iyo Goobaha biyo-qabatinka leh 6. Wadnaha goobaha waaxda beeralayda ahi, waxay kaloo yihiin wadnaha goobaha ay weli ka oogan yihiin iska-horimaadyada hubaysan oo noqday aagga xiisadaha Kofurta-Bartamaha dalka ay ka jiraan. Natiijada dhinaca beerashada ee halkaasi ka jirta awgeed, waxaa weli ka taagan xakamayn la’aanta daadka iyo nidaamkii waraabka oo burburay, iyadoo aysan jirin wax soo saarkii iyo awooddii lagu dabooli lahaa baahida qalabka iyo dalagyada beeraha lagu kobcin lahaa, mana jiraan bacrimin miraha abuurka ku habboon oo ilaa xilligan la gaarsiiyo goobahaas, lama jiraan qiima dhab ah iyo qorshe suuqgayneed oo la isku halayn karo, mana jiraan heshiisyo xallinta khilaafaadka dhulka lagu muransan yahay, taas oo horseeday haysashada dhulka sharci-darrada ah oo ay gacanta ku hayaan kooxaha dagaallamaya. Warbixinta waxa lagu soo gebegebeeyey in dayactir lagu sameeyo hannaankii xakamaynta daadadka iyo waraabka beeraha ee webiyada Shabeelaha iyo Jubba, taas oo maalgelinta dhaqaalaha oo lala kaaashanayo tallaabooyinkii hore ee najaxay, iyadoo ay jiraan baahi dheeraad ah oo dhinaca cuntada Soomaaliya iyo fursado dhoofintaanka iyo suuqgaynta Sisinta, Mooska iyo noocyada khudaarta. 7. Iyadoo lala xiriirinayo arrimaha tacabka beeraha soo jireenka ah iyo miraha dhirta ka baxa, waxa jira dalagyo fara badan oo laga tixgeliyo gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah, kuwaasoo tiro aad u sarraysa ku leh dhinca tixgelinta ay leeyihiin; sida Timirta, cuntada xoolaha geedaha laga gurto, xabagta iyo maydiga, beeyada, malabka iyo dawo-dhireedka dhaqameed, kuwaas oo u baahan in si weyn loo horumariyo tacabkooda, iyadoo leh dhaqaale iyo dakhli muhiim ah, islamarkaana miraha dhirta, waa in maamulladu ay taageeraan ilaha wax soo saarkooda oo ay ka faa’iidaysanayaan beeralayda iyo xoolo - dhaqataduba. Warbixintani waxay soo gebegebeynaysaa sidii loo abuuri lahaa waaxda dawladda iyo waaxda gaarka ah oo iska kaashada ballarinta ama fidinta barnaamijyada la xiriira taageerada wax soo saarka iyo suuqgayntooda. Kallumaysiga 8. Sida aynu hore u soo sheegnay, 15kii sano ee la soo dhaafay khayraadka xeebaha Soomaaliya si xad-dhaaf ah ayaa loogu talaxtegaya, loona xaalufiyey, iyadoo inta u dhaxaysa 500 ilaa 1000 markab oo kalluumaysi ay gooshayeen , kana kalluumaysanayeen xeebaha dalka, iyadoo dhawr mooyee intooda kale aysan hayasanin wax ruqsad ah oo ay hawlahaas ku fulinayaan, taas oo xad gudub ku ahayd sharciga caalamiga. Tusaale ahaan, lobsterka oo mar ahaa nooca khayraadka ugu qaalisan , ayaa u nuglaaday lagana xaalufiyey biyaha badaha Soomaaliya oo dibadaha loo iibgeeyey. Waxaana lagu qiyaasaa Somaliland , Puntland iyo Koofurta-Bartamaha ay ka kooban tahay ilaa $ 95 Milyan dakhliga dhoofitaanka sharci daro ah sannadkiiba, iyadoo ay ku lumayso kalluumaysiga sharci-darrada ah kaas oo gaaraya ilaa 25 boqolkiiba qiyaasta qiimaha inta sannadkii la jilaaabto. Kalluumaysatada taagta daran ee dhulka xeebaha ku dhaw ayaa iyaguna si weyn noloshooda u saamaysay kalluumaysatada sharci-darrada ah ee shabaqyada baaxadda leh ku jilaabanaya noocyada kalluunka iyo khayraadka hodanka ah ee dalka, kuwaas oo ay dhab ahaantii ciriri ku noqotay heer-nololeedkooda iyo sidii ay ku heli lahaayeen noolol habboon. 9. warbixintan waxa lagu soo Gebegebeeyey inay dawladuhu talaabo xoog le ka qaadaan hannanka lagu sii amba-qaadayo ruqsadaha la siinayo dhammaan maraakiibta kalluumaysiga(caalami iyo waddaniba) ee ka kalluumaysanaya biyaha dalka soomaaliya, iyadoo la abuurayo ciidamada ilaalada xeebaha ee la soconaya dhaqdhaqaaqyada ruqsadahaas iyo hawlgallada maraakiibtoodaba; iyo ugu dambayntii, in la sameeyo qaab- hawleedyada xirfadaha kaabayaasha dawladda sida ; dekadaha yar yar, gurmadka gooshitaanka iyo waddooyinka lagu gaari karo magaalooyinka xeebaha go’doonka ah ee biyah dalka Soomaaliya. Haweenka iyo waaxyaha wax soo saarka 10. haweenku waxay kaalin lixaad leh ka qataan wax soo saarka waaxyaha horumarinra gaarka ah dhamman gobollada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, haweenku waxay ku shaqeeyaan xaalad aad u qalafsan maxaa yeelay intooda badan waa la gacan bidixeeyaa marka loo eego fursado badan oo raga loogu sad-buriyo. Waxaa hubaal ah inay haweenku u baahan yihiiin waxyaabaha asasiga u ah nolosha si ay gacan uga gaystaan baahida qoysaskooda, si ay uga samata-baxaan saboolnimada, waxayna yihiin kuwa garoobo ah, ama agoonley ah oo dagaalku dhaxalsiiyey murugo, waxay haystaan carruur ama dad waaweyn oo xannaaneeyaan,, waxay u baahan yihiin waxbarasho ay carruurtooda u helaan, ma haystaan gadiid oo madaxbannaan oo ay isticmaalaan, wax fursad ah uma helaan dhaqaalaha, waxay dhaqaan idaha iyo riyaha si ay nolo ugu helaan, iyagoo gacan ka helaya carruurtooda, kuwa badan oo ka mid ahina waa kawaanley iyo tafaariiq ahaan kuwo uga ganacsada kalluunka. Waxayna saaco dheeraad ah ku shaqeeyaan noocyo qiimo lacageed oo aan aad badnayn ama la mid shirkadaha yar yar qaabkooda- inta badan waxay iibiyaan badeecadaha aan waqtiga dheer sii jiraynin, sida; hilibka, khudaarta, kalluunka, caanaha iyo badeecadaha kale ee suuqyada magalooyinka oo aan lahayn musqulo iyo goobo carruurta lagu daryeelo. Waxay raaceen dhammaan burburkii ku yimid deegaanka taas oo ay sabab u tahay gubista dhuxusha iyo kalluumaysiga xad-dhaafka ah, xataa lagu macnaynayo cadaadiska weyn ee ka imanaya dakhliga xoogga leh ee soo gala ee ku sii qulqulaya dhinaca Qaadka oo lacag fara badan ay ku baxdo. Arrintaasna uma arkaan inay dhaqalaha caqabad ku tahay, laakiin, waxaa baadi goobayn kaabayaasha sida waddooyinka, biyo gelinta iyo suuqgaynta. Hal goob oo aysan ka jirin qof haweenka matala dawladaha hoose ayaa la lagu tilmaamay in ee yan haboonayn. 11. tiro ka mid ah Gebegebada min go’aamada ergada oy wehelisay kooxo tiro badan oo haweenka ka tirsan kuwaas oo ku habboon istraatiijiyada lagu xoojinayo rajo waanaagsananta mustaqbal ee bulshada haweenka Soomaalida. (a) shaqaaooyinka aan dhaqanka ku salaysnayn. Inta badan waxqabadka dakhli dhalinta la xiriira ee ay haweenku kun lug leeyihiin, ayaa dabeecad ahaan ah kuwa shirkadaha yar yar ee u baahan dhaqaalaha, waa kuwa waqtiga waafaqsan, ayna haweenka ka fogeynaaya qoyska iyo inay abuuraan arrimaha ay wax kaga qabanayaan dhibaatooyinka daryeelka carruurta la soo dersa. Marka la eego kororka, shaqada adeegyada warshadaha waa inay fikrad ahaan ka soo if- baxaan kobcin deg deg ah oo lagu hinqinayo dhaqaalaha. Hase yeeshee, shaqooyinkaas mustaqbalka qaar ka mid ah xirfadaha waa loo baahan doonaa in laga dhiso dhinaca waxbarashada dadka waaweyn oo dhawr nooc ay tixgelin dheeraad ah siinayaan waaxyaha istraatiijiyadda dawladda ee mustaqbalka si loo diyaariyo haweenka shaqooyinka aan dhaqanka ku salaysnayn fursadaha la xiriira. (b) Daymaha mashaariicda yar yar. Kuwa la doonaya in la sii wado oo ay weheliyaan mashaariicda yar yar ee dhinaca daymaha, ayaa ah kuwa aad muhiim u ah. Barnaamijka mashaariicda yar yar ee ay markii hore maalgelisay midowga reer Yurub Somaliland iyo Puntland, inkastoo ay jiraan culaysyo ay tilmaameen, hoggaamiyaasha diinta, iyagoo ka muujinaya sharaxaad kala duwan “ Ribada� xaddiga go’an ee laga helayo, waxa laga yaabaa inay faa’iido u yeelato qaabkaas haddii lagu celceliyo daymaha yar yar maxaaa yeelay boqolkiiba 70 kuwa daymaha qaatay waa haween- intooda badani waa goobaha magaalooyinka. (c ) Musqulaha iyo goobaha daryeelka carruurta. In la abuuro musqulo hagaagsan iyo goobaha daryeelka carruurta suuqyada dhexdooda waa istraatiijiyad cad oo lagu yarayn karo walaaca haweenka haysta iyo hagaajinta fursadahooda shaqada inay saacado badan ka shaqeeyaan suuqyada. Dawladaha hoose waa inay xil iska saaraan dhismaha rugaha ku yaalla goobaha dadweynaha iyadoo dadka ku shaqaystana laga doonayo inay bixiyaan khidmadda adeegyada dayactirka. (d) Sancada. Ka khafiifinta haweenka daalka badan inta ay ku hawlan yihiin waqtiga ee shaqada muruqa ay ka hayaan beeraha iyo shirkadaha yar yar kuwaas oo ah qayb muhiim ah ee dhinaca horumarinta samafalka haweenka waafaqsan. Inteeda badan waxaa lagu hirgeliyaa sancada la heli karo. Taasna waxaa lagu fulin karaa aaladaha ugu habboon ee ay adeegsatowasaradaha dawladda TFG. (e)Waxbarashada carruurta yar yar. Waxbarashada carruurta yar yar waa xudunta ugu muhiimsan ee hay’adda JNA. Barnaamijyada taag eerada bartilmaameedyada sida; taabbagalinta qorshaha daryeelka dhallaanka ee heer bulsho, waana in loo abuuraa sidii lagu xaqijin lahaa baahida haweenka (gaar ahaan, kuwa shaqeeya ee ku sugan khadka saboolnimada ama ka hooseeya) islamarkaasna aan la faquuqin fursadahooda lagu meelmarinayo waxbarashada asasiga ah ee carruurtooda, , sidaasna gacan uga gaysta horumarinta dhaqaalaha dadweynaha. Horumarinta waaxyaha kale ee gaarka ah 12. Somaliland iyo Puntland waxay iyto tiro xaddidan oo dhinaca Kofurta-Bartamaha ka mid ah ayaa waxaa ka jira qaar khayraadka ila macdanta la yaqaanno sida; dhuxusha dabiiciga ah, gypsum iyo limestone, sepiolite, iyo meerschaum, iyo noocyada gemstones iyadoo sidoo kale laga helo noocyada birta sida; dahabka, maarta, nickel, lead, iyo zinc, kuwaas oo baaritaanno dheeraad ah u baahan , maadaama ay muuqato inay kaalin mug leg ka qaadan doonto kobcinta dhaqaalaha iyo fursad shaqo ay abuurayso ama dad badani shaqo ka helayaan. Xitaa soo saaritaanka saliidda ayaa la saadaalinaya inay suuragal tahay, maadaama laga helay Yemen oo qaab-Joqraafiyeedka ay wadagaan. Arrimaha kale ee muhiimka ahi waa in khayraadka xeebaha looga faa’iidaysto dhinaca dalxiiska. Bilicsamida xeebaha iyo buuraleyda dhulka joogga sare leh ee waqooyiga Puntland waxa uu noqon karaa goobaha ku habboon dalxiiska. Warbixintu waxay gebegebada ku tilmaantay khayraadka dabiiciga ah in laga manaafacaadsan karo, balse u baahan in si hufan loogu hawlgalo qandaraasyada mamulka dawladda dhexe inay maarayso go’aannada dhinaca xuquuqaha ee waaxyaha gaarka ah ee soo saaraya khayraadkaas iyaga ah. 13. Waaxda gaarka ah waxay noqonaysaa isha tamarta shirkadaha iyo dakhligu ka yimaado, kuwaas oo dhammaan dalka hakad galay dhaqaalihiisa 15kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo tamarahaasi ay ka go’doomeen kaalintii tixgelinta mudnayd ee dakhliga si toos ah looga faa’iidaysan lahaa barwaaqada dhinaca macaadinta. Beeraha iyo xoolaha nool wax soo saarkooda ayaa ah xudunta ugu muhiimsan shirkadaha gaarka ah kuwaas oo lagu qiyaaso inay gaarayso boqolkiiba 70 inay ka hawlgalaan dadwynaha Soomaaliyeed qaybo ka mid ah sannadka. Intii ay dagaallada sokeeye socdeen, qaybo aan beeraha ahayn oo ka mid ah waxda gaarka ah aya wax soo saarkeedu aad u kordhay, kuwaas oo ay ugu mudnaanayeen; quwadda korontada, iyo biyo gelinta, dhammaan gaadiidka, adeegyada bulshada sida; caafimaadka iyo waxbarashada, iyo sidoo kale, adeegyada aan rasmigaahayn ee maaliyadda iyo nidaamka is-gaarsiinta telefoonnada ee aadka u sarreeya. 14. Guulaha lixaadka leh ee maalgelinta waaxda gaarka ah ee Soomaaliya ayaa caddaynayasa inay dawladdu markasta u bahan tahay inay maalgeliso xirfadaha kala duwan ee adeegyada. Adeegga u weyn ee ilaa hadda maqan waa bangiyadii rasmiga ahaa iyo caymiska, taas oo si weyn u xaddidaysa hannanka baayac-mushtarka dhinaca ganacsiga.iyadoo aysan jirin nidaamka bangiga ganacsiga oo ah is-weydaaarsiga dhaqdhaqaaqyada ganacsiga oo lagu baahinayo dhinacyo kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, warbixintani waxay gebegebada ku tilmaamaysaa in la sii baahiyo waaxda gaarka ah, haddi ay dawladdu ay samayso shuruuc iyo xeer-hoosaadyo arrimahaas khuseeya sida; heerarka xaqiijinta tayada badeecaha ee loo yaqaan (phytosanitary) ee cunto dibad u dhoofinta iyo taf-tiishka lagu xaqiijiyo heerka tayada badeecadaha ee dhammaan walxaha waaweyn ee la dhoofiyo, lana hubiyo qaabka hufnaanta sharciga lagu xalliyo marka ay yimaadaan arrimaha la isku af- garan waayo iyo maalgelinta kaabayaasha mudnaanta leh sida; waddooyinka, kuwaas oo fududeeya in deegaannad laga hirgeliyo maalgelinta waaxada gaarka ah. Dhammaystirka awoodaynta hawlwadeennada 15. Barnaaamijka dib-u-dhiska iyo horumarinta, kaas oo noqon doona barnaaamijka dhammaystirka waaxda gaark ah, waxana ka mid nooqn doona daraasaadka iyo go’aan qaadashada siyaasadda dawladda iyo kharajyada. 16kii sano ee la soo dhaafay haya’adaha dawliga ah ee Soomaaliya wax sidaas u sii weyn oo khibrad waaya-ragnimo ma helin, ha ahaato daraasadaha celcelisyada siyaasadda ama maaraynta kharajyada dawladda. Kartida hawlgallada hay’adaha Soomaaliya waxay uga duwanaan doonaan arrimo gaar ah ku tiirsanaanta taariikhdooda iyo waaya-aragnimadooda. Kuwa Somaliland waxay guud ahaan leeyihiin karti dheeraad iyo hawlgal dhab maxaa yeelay waxay leeyihiin waaya-aragnimo lixad leh ee dhinaca dawladda, iyadoo arrintaas ay Puntland ku soo xigto. Dawladi kama jirto Koofurta-Bartamaha. Marka la bar-bar-dhigo haya’adaha dawladda kuwa waddamada saxaraha-ka hooseeya waxay leeyihiin heer isku mid ah dhinaca horumarinta haya’adaha Somaliland ayaa leh iyaguna hawlgalo la dareemi karo wallow aysan lahayn baaxad la mid ah waaya-aragnimada waddamada kale. Wasiirrada xannaanada xoolaha, beeraha iyo deegaanka ee labadaba Somaliland iyo Puntland waxay leeyihiin shaqaale karti leh, balse waxaa muuqata inaysan awood u lahayn meel marinta barnaamijyada ama mashaariicda heer gobol iyo degmo. Degmooyin badan ayaa meelo fog ku yaalla oo leh dhawr is-gaarsiin ah, sidaas darteedna xiriirka is-gaasiineed ee u dhexeeya degmooyinka iyo xarunta dhexe ee wasaaradda ayaa dhib badan lagala kulmaa. 16. iyadoo ay taag-daran yihiin hawlgallada awoodaynta hay’adaha, dib-u-dhiska iyo barnaamijyada horumarinta ee dhinaca waaxyaha wax soo saarka iyo deegaanka oo ay ku jiraan qaar ka mid ah arrimaha dhismaha awoodaynta hawlwadeennada mudnaanta ay leeyihiin. Tusaale ahaan, Somaliland waxa jira talo-soo-jeedin barnaamijka tababarrada boo ay ku baxayso $200,000 ilaa maamulka 84 degmo. Waxaa kaloo jira talo- soo-jeedin ka lagu xoojinayo wakaaladaha deegaanka ee Somaliland iyo wasaaradda kalluumaysiga iyo ciidamada badda oo ay ka mid tahay qalabkooda iyo tababarradooda oo lagyu qiyaasay bilaa $ 1.1 milyan iyo $ 2.1 milyan. Barnaamijyo kuwaas la mid ah ayaa loo soo jeediyey goobaha kale. Malgelinta Natiija leh 17. Qiimaha ku baxaya dib-u-dhiska iyo arrimaha horumarinta la xiriira ayaa u baahan in tixgelin dheeraad ah la siiyo waaxda wax soo saarka iyo deegaanka, maxaa yeelay waxa burbur lixaad leh uu la soo gudboonaaday qaab-dhismeedkii dhaqaalaha intii ay dagaallada sokeeye socdeen. Qayb ballaaran oo dhaqaalah ka mid ah ayaa loo jeedin doonaa waaxda gaarka ah, marka uu horumar sameeyo jawiga maaalgelinta, iyadoo markaasi dawladuna ay abuurayso siyaasadaha waaxda horumarinta iyo doorarka muhiimka ah dawladda iyo waaxyaha gaarka ah, taas oo marxaladda gaaban kaabayaasha dawladda taageero la siiyo, laga sii xoojiyo maalgelinta waaxyaha wax soo saarka dhaqaalaha. Warbixintani waxay ku salaysan tahay hannaanka maalgelinta. 18. Waxaa lagu qiyaasay in ka badan muddo shan sano ah qiyaas ku dhaw ilaa $260 milyan maalgelinta dawladda oo ay u baahan tahay Somaliland, Puntland iyo Koofurta-Bartamaha ee waaxda wax soo saarka iyo deegaanka, taas oo gaaraysa ilaa $53 milyan oo lagu xakmaynaya dayactirka nidaamka waraabka iyo daadka ee hay’adaha dawladda ee Webiyada Shebelle iyo Juba. Dhab ahaantii maalgelintu u baahan tahay in loo sameeyo marxalado kala duwan oo soconaya muddo sanooyin ah, maxaa isku-dhafka awoodaynta hawlwadeennada ayaa ah mid aad u hoosaysa- inkastoo awoodaynta isku-dhafku waxay xoojin kartaa taageerada dhinaca farsamo- waxaa lagu qiyaasay ilaa $56 milyan oo ku habboon sannadka kowaad ee barnaamijka, iyadoo sanadka labaad lagu qiyaasay $87 milyan, iyo qiyaasta haraaga ah oo dhan $116 milyan seddexda sano ee soo socota. TALO-SOO-JEEDINTA 19. Liiskan soo socda wuxuu la xiriiraa talo-soo-jeedinta siyaasadda iyo is-bedellada hay’adaha iyo sidoo kale maalgelinta warbixintan. Waxay kaloo talo-soo jeedintu tilmaamaysaa in loo adeegsan karo dhammaan goobaha kala duwan ee Soomaaliya. Waxaana laga heli doonaa cutubyo ku habboon. 20. Deegaanka. Talo soo-jeedinta muhiimka ah ee warbixitan lagu xusay waa sidan soo socota: o In la xoojiyo xayiraadda dhuxusha dibadaha loo dhoofiyo o In la ballaariyo mashruuca barnaamijyada dib-u-dhiraynta ee la xiriira cimilooyinka iyo xaaladaha kala duwan o In la dhammaystiro warbixinta “ xaaladda deegaanka� o In baaritaanka lagu sameeyo goobaha sunta haraaga wasakhda warshadaha ee la sheegay in lagu aasay koofurta Garacad o In laga nadiifiyo wasakhaha kiimikaad ee goobtii hore ee dooxada Ayaha ee hay’adda la dagaalanka ayaha lama-degaannada o In baaritaan lagu sameeyo wasakha kiimikaad goobtii hore ee gantaalaha Berbera haddii ay lagama maarmaan tahay qorshe loo sameey lagu dhammaystirayo barnaamijka nadiifinta wasakhaha o In la dhiso guddiga xiiriirinta deegaanka heer qaran oo sal-ballaaran 21. Xoolaha nool. Talo-soo-jeedinta muhiimka ah ee warbixintan lagu tilmaamay waa sidan hoos ku qoran: o In la qiimeeyo maaraynta iyo istraatiijiyada suuqgaynta xoolaha nool ee waqooyiga iyo goobaha bartamaha, taas oo hadafkeedu yahay in la xoojiyo is-bedellada deegaanka dhul-daaqsimeedka, iyagoo u nuglaaday abaaraha, maxaa yeelay waxa la xaalufiyey dhirta inteedii badnayd o In la ciribtirro Gendiga min Shabelle ilaa dooxada Jubba o In la xoojiyo hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka ah ee ku hawlan xannaanada xoolaha iyo qaababka daaweyntooda o in la ciribtiro cudurrada xoolaga nool ku dhaca(epizootic), lana maalgeliyaa, iyadoo loo bilaabayo sida ugu dhaqsiyaha badan o in la sii wado marxaladda gaaban ilaa marxaladda dhexe, meelmarinta xrumaha karantiilka iyo nidaamka baaritaannada xoolaha, balse waa inay noqdaan kuwa dhab ah, qiimo jaban, lagana ilaaliyo in dhib loo gaysto xoolaha o waa in golaha xoolaha nool ay wadajir ahaan u hawlgalaan sannadka koowaad, iyadoo la siinato tixraacyo iyo maaliyad, lagu diyaariyo talo-soo-jeedinta kobcinta xoolahan baaritaannada iyo shahaadooyinkaq dhoofinta lagu xaqiijinayo dhammmaan dekedaha Sooomaaliya , taas oo ku salaysan hawlgallada ciribtirka cudurrada xoolaha ku dhaca, laguna dhaqmo heerka caalamiga ah ee waafaqsan hay’adda caalamiga ah ee (OIE) 22. Dalagyada iyo Biya-qabadka. Talo soo jeedinta muhiimka ah ee warbixintan lagu xusay waa sidan soo socota: o Dayactirka goobaha daadadku waxyeeleeyeen iyo nidaamka waraabka nawaaxiga Shabelle iyo Dooxada jubba o In la sameeyo cilmi baaris iyo adeegyada fidinta la xiriirta haya’daha dawladda iyo kuwa gaarka ah ee dalagyada wax soo saarka dhammaan Soomaaliya 23. Kalluumaysiga. Talo-soo-jeedinta warbixintan tilmaantay waa sidan soo socota: o dawladdu waa inay xoojisaa rukhsadaha dhammaan doonyaha iyo maraakiibta ka kalluumaysanaya xudduudaha biyaha Soomaaliya o in la sameeyo ilaalada xeebaha, iaydoo loo samaynayo shuruuc garsoor oo waafaqsan dhammaan xudduudaha biyaha ilaa la socoshada ruqsadaha iyo hawlgalladaooda kalluumaysiga, lana ciribtiraa burcad-badeedka o dawladdu waa inay kobcisaa kaabayaasha dhaqaale sida dekedaha, gargaarka gooshitaanka iyo fursadaha waddooyinka si loo taageero kalluumaysatada dan-yarta ah ee go’doonka ku ah magaalooyinka xeebaha Soomaaliya ku yaalla, kuwaas oy lagama maarmaan tahay in lagu dhiirigeliyo inay bulshadu iska xilsaarto dayactirka kaabayaasha 24. Haweenka waaxyaha wax soo saarka. Talo-soo-jeedinta warbixintan ku xusan waa sidan soo socota: o Waa in la xaqiijiyaa in suuqyada waaweyn ee magaalooyinku ay lahaadaan musqulo wanaagsan iyo xarumaha daryeelka dhallaanka hooyada o in baaritaan lagu sameeyo suuragalnimada helitaanka qalabka sancada casriga ah in loo helo haweenka ku hawlan tacabka beeraha, soo goosashada miraha, cajiimidda iyo daqiiqda, xaabo gurashada, hawlaha biyo dhaamiska iyo yaraynta baahida shaqada badan oo ay daboolaan haweenku o in la hirgeliyo haya’adaha mashaariicda yar yar ee djhaqaale kobcinta, taas oo lagu daboolayo baahida haweenka ee mashaariicda daymaha yar yar ee ganacsiga 25. Horumarinta waaxda kale ee gaarka ah. o Dawladuhu waa inay taageeraan ka manaafacaadsiga khayraadka macdanta heer qaran, iyadoo loo marayo hirgelinta maamullada la iska dhex-arki karo ee hufnaanta leh, kuwaas oo ka mas’uul noqon doona heshiisyada xuquuqda ka faa’iidaysiga khayraadka macdanta ilaa waaxda gaarka ah o Dawladuhu waa inay taageeraan maalgelinta, iyadoo la abuurayo shuruucda hufnaanta leh ee maamulka, lana dhiirigeliyo dhismaha bangiyada ganacsiga iyo shirkadaha caymiska, si ay gacan u siiyaan ganacsiga rasmiga ah iyo maalgelinta la xiriirta, lana xaqiijiyaa nidaamka sharciga la iska-dhex-arki karo si xal loogu helo khilaafaadyada, loona meelmariyo siyaasadda dhulka, iaydoo la malgelinayo kaabayaasha muhiimka ah sida; waddooyinka, kuwaas oo gacan ka gaysta sidii loo kobcin lahaa maalgelinta waaxda gaarka ah ee deegaanka. o Waaxda gaarka ah waa in loo sameeyaa golaha ganacsiga madaxa-bannaan, si uu waddada ugu xaaro dawladda lagala yeesho arrimahaas sida; qiimaha ku baxaya hawlgallada, jawiga maalgashiga, siyasadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ganacsiga.