Daraasadda Baahida wadajirka ah ee Soomaaliya iyo barnaamijka Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Warbixinta Kooxaynta hab nololeedka iyo xallinta dadka bara- kacay June 2006 UNDG World Bank DULMAR KOOBAN Shaqaalaynta kooxda khubarada wadajirka ee isugu jira caalami iyo Soomaali, iyadoo laga qaybgalinayo hay’daha hawlgallada la wadaaga ee Soomaaliya; Kooxaynta Heer nololeedka iyo xallinta dadka bara-kacay ee daraasadda baahida wadajirka ah ee Soomaaliya ee Q.M/BA, iyadoo laga tixraacayo, dibna loo eegayo Istraatiijiyada heer nololeedka haatan jira taas oo loo sii marayo raadadkii hore ee Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga Soomaaliya(SDR, islamarkaana la xaqiijinayo qiimaha mudo shan gudaheed, iyadoo iskaashi lala yeelanayo kooxaynta kale ee JNA-da, waxaana loo baahan yahay taagero, hinqin iyo in la sii ballaariyo asaaska heer nololeedka, si markaasi loo awoodeeyo dadka bara-kacay , islamarkaana doorashada goobaha ay nabadgelyadu ku soo noqotay, lana sii wado shaqooyinkii hore ama la soo bandhigo fursado waafaqsan heer nololeedka cusub. Qiyaas ahaan 80% heer nololeedka, ayaa waxaa daboosha dhaqaalaha ka soo baxa dhul-beereedka Soomaaliya, taas oo si toos ah ugu tiirsan asaaska ilaha khayraadka dalka. Qoysaska 55% ayaa ku tiirsan heer-nololeedka isku-dhafan ee xoolo-dhaqashada ama beeraha iyo xoolaha, 24% ayaa ku salaysan heer- nololeedka beeraha iyo 1% ayaa dhinaca kalluumaysiga xeebaha. Heer-nololeedyadan waxay sida badan taageeraan asaaska ka faa’iidaysiga ilaha khayraadka dabiiciga ah: dhirtu waa baadka xoolaha nool, wax soo saarka dhuxusha ama qalabka dhismaha, soo gurashada waxyaabaha udgoon sida fooxa iyo beeyada, arahda malabka ama waxyaabaha (apiculture). Muddooyinkii hore ka faa’iidaysiga khayraadka Duur -joogta ama Ugaarta ayaa ahayd mid wax ku ool ah. Hase yeeshee, qaabka xaalufinta keymaha , kaddib markii uu bini’aadmigu ku soo fiday ama isku ballaariyey, taas oo ciribtirkii ugaarsiga Maroodiga loo gaystay sanadihii 1990-yadii ayaa meesha laga saaray noocyadii qaaliga ahaa ee Duur-joogta. In ka badan soddonkii sano ee la soon dhaafay tirada dadka ayaa laban-laab ahaan u kordhay marka loo eego JDS, min 3.3 milyan sannadkii 1975 ilaa tirada dadka ee xilligan oo lagu qiyaasay 7.7 milyan sannadkan 2006. muddo taas la mid ah, waxaa jiray koror xad-dhaaf ah oo xoolaha nool ah iyo dhulka bacrinta leh ee beerashada ku wacan, iyadoo si xiriir ah ay u siyaadaysay cadaadiska ilaha khayraadka xaddidan iyadoo kororka xasasiyadda khilaafaadka la xiriira helitaanka kala duwanaanshaha kooxaha heerar nololeedka khayraadka ilaa imminka la heli karo. Marka la eego kororka dadka jawi aan la xaqiijin, mid ka mid ah acaqabadaha ugu muhiimsan ee soo wejahay dawladda ma han oo keliya helitaanka saldhig adag oo asaaskiisu yahay heer-nololeedyada, laakiin si loo baahiyo loona hinqiyo xirfadaha heer-nololeedka min khayraadka dabiiciga ah, iyadoo loo sii marayo xoojinta maaraynta lkhayraadka dabiiciga ah iyo qiimaha dheeraadka ah ee lagu sii ambaqaadayo. Kaddib burburkii dawladdii dhexe markii ay sare u kaceen xiisadii colaaddeed ee min 1991-92, taas oo gaaraysay ilaa 2 milyan dad gaaraya ayaa bara-kacay intii dagaaladii xiriirka ahi ay socdeen, iyadoo macaluul iyo jaago badanna ay jireen. Xilligan ilaa 8% oo ah qiyaas dhan (650,000) ayaa gudaha iyo dibadda gobolka u qaxay. Waxa ugu badan ee lagu tilmaamaa sababaha ugu ballaran ee dhaliya xiisadaha qaxootinimada adduunka ugu faraha badan; waxaa iyana jira caqabado aad u culus oo la soo gudboonaaday heer nololeedka Soomaalida, taas oo aan loo qaadan inay carqaladaysay shan iyo tobvankii sano ilaa intii ay dhacday dawladdii dhexe 1991. Qaar badan oo goobaha miyiga iyo magaalooyinka saboolka ah, ayaa ka qaxay xiisadaha colaadeed taas oo abuurtay bara-kac gudaha dalka , kuwaas oo ku uruuray bxuduudihii hore ee JDS. Qaar kale ayaa qaxootinimo u galay intooda badan waddamada deriska ah, laakiin xitaa, waddamada hore u maray ee carabta iyo waddamada reer galbeedka, halkaas oo tiro aad u fara badan oo Soomaalida jaaliyadaha dibadaha ku dhaqan ay xarumo ku leeyihiin;taas oo yeelatay muhiim dheeraad ah,ayna ka soo xawilaanlacago fara badan, kuwaas loo lagu taageero heer-nololeedka Soomaalida. Waxaa haatan lagu qiyaasay xawilaadaha ka soo xarooda ee Soomaaliya sida laga xusay Gobolka $1 billion sannadkiiba, iyadoo markaasi dadka hela ee ugu badan ay yyihiin dadka dakhligoodu dhex-dhexaadka yihiin ee magalooyinka ku nool, xiriirka ku saabsan dhinaca qoyska, ee dhinaca reeraha magaalooyinka ku dhaqan 2 labadaraadle; wax soo saarka xoolaha reer miyiga, taas oo macneheedu yahay in xawilaaduhu ay wax weyn ka qaataan heerka noloshada bulshooyinka miyiga. Socodka noocaan ah wuxuu muujinayaa celcelis gaaraya 44-66% ee kororka dakhliga qoyska asaasiga ag ee sannadkiiba inta u dhaxaysa US$ 291 iyo US$ 195 ee laga soo qaatay qiyaas ahaan magalada iyo dadka nolosha reer guuraaga ku nool sida ay tilmaantay sahanka dhaqaale-bulsheedka ee (UNDP/Bangiga adduunka Soomaaliya, 2002). Dhismaha Saadaasha JNA ee is-barbar-dhigga faa’iidooyinka: Ifa-faalaha nabadda ee qaab-dhismeedka dawladda ee Somaliland iyo Puntland, waa taageero aqoon heerkeedu sarreeyo oo ka timid jaaliyadaha soomaalida Dibadda ku dhaqan iyo dhismihii dawlada federaalka ku meel gaarka ah (TFG), oo ay weheliyaan awooddaynta iyo ku baahinta dhinaca Kofur-Bartamaha Soomaaliya , iaydoo la adeegsanayo wada hadal ka soo if-baxaya xoogga cusub iyo taageerada lixaadka leh ee ka imaanaysa beesha caalamka. Jawigan isaga ah marka la eego, aragtida kobcinta hawlgallada la xiriirta ayaa xudunta bartilmaameedkeedu yahay sidii loo taabbagalin lahaa heer-nololeedka iyo xallinta dadka bara-kacay, si lagu xoojiyo hawlgallada horumarinta bulshada (CDD), aee ka qaybgalka tallaabooyinka lagu xaqiijin karo buuxa ee bulshada iyo dheddig-laboodka, taas oo hadafkeedu yahay awoodaynta dadka iyo sidii wax looga qaban lahaa dhinaca saboolnimada, looguna heli lahaa hananka ugu mudan ee maalgelinta iyo xakamaynta go’aannada isticmaalka ilaha khayraaadka, ayna maamulayso bulshadu. Isticmaalka hawlgallada (CDD), taas oo loola jeedo in bartilmaameed toos ah laga dhigto hagaajinta heerka nolosha bulshada, taas oo hindisaha hore lagu wejahayo goobaha ay dadweynaha tirada badani ay ku bara-kaceen lana filayo inay dib ugu soo laabtaan. Si loo gaarsiiyo taageero wax ku ool ah labada bulsho oo kala ah kuwa soo laabtay iyo kuwa dadka marti-geliyey, waxaana la saadaalinayaa in saldhig adag l;oo sameeyo kobcinta dib-u-heshiisiinta, nabad-waarta,badbaadin iyo bulsho midaysan, halkaas oo ay lagama maarmaan tahay in xuquuqda dadka taagta daran iyo kuwa hagar- daamooyinka qaba ama heer nololreedkoodu liito la dhawro, islamarkaana xubin kasta oo bulshadaas ka mid ah la siiyo fursad lagu horumarinayo heer nololeedkiisa, lana taabbagaliyo arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada. Dadaalka la xiriira in xal waara la gaarsiiyo dadka bara-kacay, taas oo aysan suuragal ahayn taabbagalinta dib- u-dhiska Kofurta-Bartamaha Soomaaliya, ee heer-nololeedka iyon Xallinta dadka bara-kacay ooo si qoto- dheer loo taageero dadka gaaraya ilaa 650,000 muwaadiniintii hore ee Soomaalida ee ku bara-kacay gobolka iyo tiro taas u dhiganta oo laga yaabo inay dib-u-soo-laabtaan, kuwaas oo miisaaniyad gaaraysa ilaa qiyaastii US$ 324 milyan oo u dhiganta (ilaa US$ 50 per capitum per annum). Meelmarinta maaliyadan ayaa u baahan dooonta shuruuc u gaar ah oo lagu maareeyo iyo jawi dammaanad qaadaya ammaanka sidii ay ku soo laban lahaayeen qiyaas gaaraysa 400,000(IDPs) iyo 250,000 oo qaxooti ah, aqlabiyadda ugu ballaaran ee dadka ka soo jeeda goobaha Koofur-bartamaha Soomaaliya. Sidii dadkan fursad loogu heli lahaa xal waara ayaa loo qorsheeyey laba weji: Wejiga I-aad dhexdiisa (2007-2008), oo ku wejahan xasilinta jawiga soo laabashada iyo ka dhabaynta xal waara oo loogu talo galay dadka bara-kacay, iyadoo sidoo kale dadka soo laabtay ee tabaalaysan ee aan dhaqan-celin loo samaynin Somaliland iyo Puntland. Dhaqan-gelinta shuruucda tlmaamaysa dadka ku bara- kacay gudaha iyo kuwa qaxootiga caalamiga ah ee Q.M./IDP, iyadoo sare loo qaadayo sharciga iyo guud ahaan badbaadadooda la xiriirta jawi amaan ah in loo helo dadka bara-kacay, kooxaha laga badan yahay, qaxootiga iyo dadka dib-u-soo-laabanaya, taas oo ay weheliso xuquuqda biuni’aadmiga heerkeedu xaddidan yahay. In loo raadiyo xal waara qaxootiga, ayaa waxaa hadaf ahaan ay ku wejahan tahay hinqinta tayada magan-gelyada iyo u abuuritaanka nolol wacan oo laga taabbagaliyo waddamada deriska ah ee marti-geliyey, loona sameeyo barnaamijyo sare loogu qaadayo heerka noloshoodaana,miyadoo iskaashi hufan loo sameynayo mashruuca awoodaynta goobaha dib-loogu laabanayo laga hirgalinayo ee lagu taageerayo nidaamka adeegyada bulshada iyo fursadaha heer-nololeedka. Wejiga II-aad dhexdiisa (2009-2011) oo ku wejahan awoodaynta xirfadaha shqaalaha iyo hay’adajha dawliga ah ee lagu taageerayo marxaladda dheer ee dhinaca horumarinta, taas oo lala xiriirinayo mashaariicda dib-u- soo-kabashada hore ilaa marxaladda waqtiga dheer ee barnaamijka horumarinta, iyo sidoo kale in la abaabulo dib-u-celin rabitaanka mutadawacnimo ah ku dhisan oo ay ka qaybgalayaan tiro fara badan oo qoxootiga dibadda ku dhaqan. 3 Iyadoo islamarkaana si qoto dheer lootga baaraan-degayo heer-nololeedka iyo xallinta dadka bara- kacay,looguna heli lahaa taageero wax ku ool ah dadka marti-gelinaya, dibna loo dhisayo deegaannada dadka bara-kacay iyo kuwa ay carqaladda la soo deristay heer-nololeedkooda, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo bartilmaameedka dhismaha deegaanka laga hawlgalayo ee ay carqaladaha la kulmeen heer-nololeedka, kuwaas oo loo marayo sida dib-loogu-dhisi karo hawlihii hore ee JDS. Gobol ahaan, waxay ku wejahan tahay Somaliland, Puntland iyo Koofurta-Bartamaha Soomaaliya si ka duwan balse saamayntoodu ay isku tiirsanan karaan marka loo eego hawlgallada hay’adaha ay khusayso, taas oo u sii horumaraysa gobolaysi waafaqsan qaab-dhsismeedka federaalka koofurta-bartamaha Soomaaliya. Waxaa la rumaysan yahay in isticmaalka barnaamijyada(CDD) oo ah kuwa ugu muhiimsan tallaabooyinka meel marinta hawlgallada labadaradle, tallaabooyinka xilligan ku habboon in loo adeegsado soomaaliya, kuwaas oo labadaba muuqaalka iyo qaab-dhismeedyada bulshada ay si ba’an u saamaysay waxyeelada soo gaadhay, kuwaas oo noocyo badan ka mid ah maamulka dawladaha hoose ay liitaan ama aysan jirin. Tallaabooyinkani waxay tixglin siinayaa ama aqoonsanayaan hannaanka taabbagalinta, ka qaybgalka buuxa ee mudnaanta dawladaha hoose, dhismaha awoodaynta shaqaalaha iyo xoojinta iyo lagama maarmaannimada shanta tiir ee ay ka kooban tahay: 1. Awoodaynta Bulshada 2. Awoodaynta Dawladaha hoose 3. Realigning the center 4. Horumarinta xisaabtan 5. dhismaha awoodaynta shaqaalaha cudur-daarada ugu waaweyn adeegsiga tallaabooyinka CDD waa in dhismaha nabaddu ay caqab weyn ku noqonayso gobolka marka loo eego min shaqo la’aanta baahsan iyo saboolnimada jirta awgeed. Si haddaba sare loogu qaado lahaanshada maxalliga ah ama heer deegaan iyo xisaabtanka ilaha iyo hawlgallada mashaariicda, waxaa loo baahan yahay ka qaybgalka heer deegaaan iyo wada hadallada taabbagalka ah ee dhismaha nabadda iyo sidii lagu gaadhi lahaa hannanka ka hortagga khilaafaadyada. Taageerada maaliyadda ayaa laga codsanataa JNA sidii bay ku abuuri lahayd qaab-dhismeed ka jawaab- celin kara sidii loo taabbagalin lahaa dhismaha mamulka heer deegaan, gobol, iyo qaab-dhismeedka dawladda dhexe, taas oo hadafkeedu yahay taageero guud iyo sidii sare loogu qaadi lahaa heer-nololeedyada jira iyo taabbagalinta heer-nooleedyada cusub , taas oo lagu qiyaasay adduun gaaraya US$ 59 milyan, oo u dhiganta baahida dib loogu habaynayo maalgelinta JDS ee hore US$ 10 qoyskata sannadkiiba.qaab-dhismeedyada hoos kuqoran ayaa la soo jeediyey: Barnaamijka 5-ta sano ah waxa dusha kala socon doonta waaxda xiriirinta mashruuca (PCU), oo marxaladda hore fadhigeedu yahay nairobi,iyadoo taageero guud iyo tilmaamo u fidinaysa barnaamijka koofuerta- bartamaha Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland. Mashruuca PCU wuxuu shaqaalayn doonaa xiriiriyaha mashruuca si uu dusha ugala socda tilmaamana u siiyo hoggaamiyaasha kooxayha horumarinta heer- nololeedyada iyo xallinta dadka bara-kacay iyo maaraynta. Madaxda mashruuca dhinaca horumarinta heer- nololeedyada iyo xallinta dadka bara-kacay iyo maaraynata PCU oo taageeri doonaan labada maamul kooxeed bee kala duwan si xoojiyo hannanka maamulka iyo xisaabtan dhab ah oo lagu taageerayo labada laamood ee barnaamijku ka kooban yahay. Dhinaca Ikoofurta-Bartamaha, Somaliland iyo Puntland, madaxda barnaamijka, la socoshada heer- nololeedyada iyo taageerada Unugga (LMSU) ayaa la samayn doonaa, taas oo fikrad ahaan ah Unug ka tirsan wasaaradda Qorshaynta ama Wasaaradda Shaqada. Midkasta oo unugga LMSU wuxuu ku biiri doonaa maareeyaha mashruuca heer gobol ee dhinaca heer-nololeedyada iyo kan maareeyaha mashruuca ee xallinta dadka bara-kacay. Intaas waxaa dheer, dhinaca Koofurta-bartamaha, waxaa iyana jiri doonaa shaqaalaha 4 Unug oo muhiim ah iyo 12 barnaamij oo la xiriira, marka la eego Somaliland, shaqaale 3 Unig oo muhiim ah iyo 6 barnaamij oo la xiriira, iyadoo Puntland, shaqaale 3 Unug oo muhiim ah oo la xiriira. Kaalinta Unugyada LMSU shaqaalaha muhiimka ah iyo barnaamijyada la xiriira waa sidii ay taageeradooda ugu ballaarin lahaayeen hawlgallada LMSU min dawlad ilaa heer gobol iyo heer degmo.. 4 Intaas waxaa dheer, isku-xidhnaanta unugyada LMSU, iyo samaynta unugyada muhiimka ah ee wasaaradaha heer dawlad, heer koofurta-Bartamaha, Somaliland iyo Puntland, waxayna noqon doontaa mid hannaanka cilmi-baarista Unugyada heeer-nololeedyada (LRUs) – taas oo lala xiriirinato macaahidda Akedemiyada u dhiganta, iyadoo loo siinayo dammanad lagu ababulayo heer-nololeedyada ku habboon iyo cilmi-baarista dhinaca suuqgaynta iyo Unugyada fidinta heer-nololeedyada (LEUs). Unugga dheeraadka ah, waa Unugga horumarinta qalabka tababarrada(TMDU) kaas oo loo samayn doono wasaararadda waxbarashada ee Koofurta-bartamaha, Somaliland iyo Puntland, iaydaoo mudnaanta la siinayon ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee uruurinta, dhaqangelinta iyo horumarinta tayada heer- nololeedyada qalabka tababarrada ee loo adeegsado dadka bara-kacay (IDPs) iyo Qaxootiga, labada kuwa Xeryaha ku jira iyo kuwa goobaha soo laabashada ku nool.. Waxa la aqoonsan yahay inaan la go’doomin Heer-nololeedyada iyo xallinta daddka bara-kacay. Isku- xirnaanta iyo isa saamaynta ay la wadaangaan kooxaynta kale ee JNA: 1. maamul-wanaagga, nabadgelyada iyo sharcigaa iyo kala dambaynta 2. Qaab-hawleedyada siyaasadda mashaariicda yar yar ee dhaqaalaha iyo horumarinta xogta 3. Kaabayaasha 4. Adeegyada asaasiga ah ee bulshada iyo ilaalinta kooxaha taagta daran ama tabaalaysa 5. waaxyaha wax soo saarka iyo deegaanka waxaa baariyaanno lagu sameeyey, lana tijaabiyey , iyadoo la soo jeediyey tallaabooyin laga wada qaybgalayo ee la xiriira arrimaha laga maarmanka ah: 1. Dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo ka hortagga iska-horimaadyada 2. Awoodaynta heerka aqoonta shaqaalaha iyo horumarinta hay’adaha(dawladda iyo kuwa gaarka ah) lagu daray hindisayaasha la dagaalanka musuq-maasuqa 3. isku-dheelitirka dheddig-laboodka iyo xuquuqda aadamiga sida la saadaalinyo dhammaystirka isku xirka mashaariicda waxaa natiijada min JNA ay noqotay, iyadoo tusaale gaar ah loo soo qaadanayo heer-nololeedka ku salaysan dhinaca beeraha , iyadoo la saadaalinayo in unugga wasaaradda beeraha loo qaban-qaabinayo cilmi-baaris heer-nololeedka beeraha la xiriirta(bulshada beeraleydah ee imminka jirta iyo iyo dadka bara-kacay iyo qaxootiga) taas oo lagu sii horumarinayo talo-soo- jeedinta lagu quudinayo iyadoo loo sii marayo heer-noloeedka unugga isla wasaaraddaas, lana gaarsiinayo farriimaha cad-cad ee baahinta heer-nololeedyada ilaa mashaariicda waaxda beeraha; iyo , haddii Ay Jirto Baahi Ku Saabsan In La Horumariyo Ama Lagu Celiyo Mar labaad qalabka tabbabarada ee loo isticmaalayo dadka bara-kacay/qaxootiga iyo bulshooyinka marti-geliyey, ilaa unugyada wasaaradda beeraha(TMDU). Waxaana la aqoonsaday in tababarro loo bahan yahay(waaxda beeraha, sida vwaaxyaha bkale) taas oo si gaar ah loo dareensan yahay inay lagama maarmaan tsahay, maadaama dad badan oo bara-kacay iyo qaxooti inyasan marna muujinin helitaanka heer-nololeed wax soo saar leh iyadoo tiro aad u fara badan oo beeraleyda ka tirsan ay ku jiraan bulshada wax marti-gelisay, kuwaas oo aan fursad u helin dhinaca tababarrada in ka badan 15kii sano ee la soo dhaafay. Qiimaha guud ee lagu dhammaystirayo heer-nololeedyada iyo xallintan dadka bara-kacay waa US$ 383 milyan muddo ka badan 5 sano: sannadka 1-aad: US$ 76 milyasn sannadka 2-aad: US$ 67 milyan sabndka 3-aad-5-aad: US$ 240 milyan (80 milyan p.a.) qiimaha asarreeya ee sannadka 3-5 waxay la xiriirtaa inta badan qiimaha ilaa s (qiyaastii US$ 164 milyan) soo noqoshada, dib-u-dadaynta ama dhaqan-celinta, iyadoo la taageerayo samaynta hawlgallada heer- nololeedyada dhinaca (tababarrada iyo hantida ma-guurtada ah ee hawlgallada asaasiga ah ee heer- nololeedyada) taas oo qiyaastii gaaraysa ilaa 30,442 qaxooti iyo 330,000 dadka bara-kacay(IDPs) ee ku dhaqan Koofurta-bartamaha Somalia. 5 Dhammaystirka natiijada ay soo saartay JNA: in sare loo qaado , iyadoo la dhisayo heer-nololeedyo taabbagal ah,loona marayo horumarinta qaab-dhismeedka taageerada wax ku oolka ah, in qaab nabadgelyo ah loo hirgeliyo dib-u-soo celinta dadka bara-kacay iyo sidii ay bulshada u dhexgeli lahaayeen, dhiirigelinta iyo xoojinta awoodaynta shaqaalaha dhinaca qaab-dhismeedka maamul- wanaagga, iyadoo la ballarinayo fursadaha wax soo saarka tayeysan, in la sii horuamiyo kaabayaasha muhiimka ah, horumarinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, hirgelinta mashaariicda yar yar ee dhiirigelinta dhaqaalaha, iyo in si buuxda loo dhiirigeliyo hannaanka maamul-wanaaagga, si loo suurageliyo kobcin dhaqaale oo deg-deg ah, gaar ahaan waaxda gaarka ah, siiba dhaqaalaha iyo suuqgaynta, , taas oo la rajaynayo in fursadaha horumarinta heer-nololeedyadan iyo abuuritaanka dhaqaalaha isla la ballarin doono, iyadoo la sii hinqinayo fursadaha faraha badan ee helitaanka badeecadaha asaasiga ah iyo adeegyada, islamarkaana dhinaca kale la wejaho meel marinta bartilmaameedyada Himilooyinka Horumarinta Millennium-ka taas oo la xiriirta sida dhacdooyinka sannooyinkan dambe lagu tallaabsaday. 6