SFG1392 V2 Barnaamijka Hay’adaha iyo Fursadaha Dhaqaale ee Muhiimka u ah Soomaalida QAAB-DHISMEED MAARAYNTA ARIMAHA DEEGAAN IYO BULSHO - Koobniin - November 23, 2015 1 XADKA IYO XAALADDA MARSHUUCA Faah-faahinta barnaamijku waxay si qoto dheer ugu qeexan tahay qoraalada barnaamijka. Hadii la soo koobo, barnaamijkani waa mid laba marxaladood ah oo yoolkiisu yahay taagerista xulashada hay’ado dhaqaale oo muhiim ah oo ku xidhiidhsan qaybta ganacsiga, maaliyadda iyo horumarinta qaybta gaarka loo leeyahay ee Somalia. Ujeedada marxaladda 1aad (Marxaladda 1aad, 30 Malyuun oo Doolarka Maraykanka ah) waa kobcinta deegaan awoodsiiya horumarka qaybta gaarka loo leeyahay iyo qaybta maaliyadda, iyo fir-fircooni gelinta maalgashiga gaarka ah iyo shaqo abuurka. Barnaamijkan waxa maalgeliyay Sanduuqa Iskaashiga-Wadarta ah (Multi-Partner Fund “MPF�) wuxuuna balaadhiyay dhulka uu ka hawlgalay marshuucii hore (oo ahaa 24 Malyuun oo Doolarka Marayanka ah: Marshuuca Marxaladda Labaad ee Dib-ula-hawlgalka Horumarinta Qaybta Gaarka loo leeyahay) oo bilaabmay sanadkii 2011kii ayna ku jireen hawlo laga fuliyay Somaliland. Marxaladda 1aad ee Marshuucu wuxuu sii wadi doonaa geedi socodkii loogu dhisayey sees maamul iyo hay’adeed oo adag qaar ka mid ah hay’daha dhaqaale ee ugu muhiimsan Somalia (Bangiga Dhexe, Dekedaha, Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha). Wuxuu sidoo kale taageeri doonaa soo kabasho dhaqaale isaga oo fudaydinaya ganacsi abuuris, kobcinaya helitaanka ilo maaliyadeed oo rasmi ah, xoojinaya abuurista xirfado iyo kuwa bixiya adeegyada horumarinta ganacsiga, iyo sidoo kale siinta kaabis maalgashiga la soo geliyo gudaha. Marxaladda 1aad ee Marshuuca waxa ku jira sadexdan qaybood: i. Qaybta 1aad: (Xoojinta Hay’daha Dhaqaale ee Muhiimka ah) wuxuu gacan ka gaysan doonaa ka xoojinta hay’adaha dhaqaale sadex meelood oo muhiimad wayn u leh dhaqaalaha : (i) Bangiga Dhexe si loo xoojiyo abuuritaanka qayb maaliyadeed oo rasmi ah oo kobcisa helitaanka maaliyad; (ii) Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha si loo taageero samaynta qaab dhismeed sharci iyo nidaamin oo aasaasi ah islamarkaana casri ah oo yareeya qarashka ku baxa abuuritaanka ganacsi (entrepreneurs); (ii) dekedaha iyo kastamada si loo xoojiyo raasamaalka gaarka ah, wada shaqaynta iyo khibradda si loo kobciyo hawl gudashada qaybta dekedaha ku hawllan. Qaybta 1aad wuxuu maalgelin doonaa sadex qaybood oo ka sii dheegma oo ay ka mid yihiin: • 1A: Xoojinta Nidaaminta iyo Korjoogtaynta Bangiga Dhexe; • 1B: Kobcinta duruufta maalgashiga (Investment Climate); • 1C: Horumarinta qaybta dekedaha. ii. Qaybta 2aad: (Fidinta Fursadaha Dhaqaale) waxay fidin toontaa fursadaha Dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo u maraysa laba qaab oo taageero ah: mid wuxuu la xidhiidhaa xirfad abuurista iyo dhisidda awoodda qaybta gaarka loo leeyahay (private sector); midka kale wuxuu la xidhiidhaa kaabis dhaqaale oo toos ah oo looga dan leeyahay kordhinta maalgashiga gaarka ah ee hawlaha hal abuurka leh ee shaqaale badan u baahan (Sanduuqa Fir-fircooni gelinta). Sanduuqa Fir-fircooni gelintu wuxuu u furnaan doonaa dhamaan qaybaha ganacsiga ku foogan waxaana loo qaabeeyey hab taageeraya soo kabashada qaybta gaarka loo leeyahay iyada oo la siinayo deeqo si loo taageero maalgashiga cusub. Qaybta 2aad waxay maal gelin doontaa labadan qaybood oo ka sii dheegma: • 2A: Sanduuqa Fir-fircooni gelinta; • 2B: taagerista ganacsiga qaybta gaarka loo leeyahay 2 iii. Qaybta 3: (Maamulka Marshuuca) waxay siin doonta taageero fulinta marshuuca. Marshuuca waxa laga fulin doonaa Soomaaliya oo dhan waxana ku jira hawlo laga fulinayo Puntland iyo Somaliland. Marshuuca waxa fulin doona Unnugyo u xilsaaran fulinta marshuuca oo laga sameeyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dawladda Puntland iyo Dawladda Somaliland, marka laga reebo mararka Koox-Hawleedku ay codsadaan hawlo fulineed oo gaar ah oo loo qabto cidda marshuuca la gaadhsiinayo (oo ay ku jiraan qaybta 2aad). RAADKA DEEGAAN IYO BULSHO Raadka deegaan iyo bulsho ee taban ee suurtagalka ay noqon karto inuu yimaado wuxuu la xidhiidha Qaybta 2A: qaybtani (2A) waxay si toos ah u maalgelin doonta hawlo dhaqaale oo baaxad wayn, kuwaas oo qaarkood yeelan karaan raad deegaan iyo bulsho oo ay tahay in la maareeyo oo wax laga qabto. Sidaadarteed, waxa la diyaariyay oo la fuliyay qaab wax ka qabanaya raadka deegaan iyo bulsho kaas oo xaqiijinaya shaandhaynta raadka suurtagalka ay tahay inuu dhasho, soo bandhigaya hage wax lagu qiimeeyo, shuruudo maarayn iyo wax ka qabad, islamarkaana u dhigaya xuduudo xadka maalgelint ( isaga oo taxaya hawlaha ganacsi ee aan haboonayn). waxa jira khataro deegaan iyo bulsho oo ka dhalan kara ujeedada marshuuca ee ah fir-fircooni gelinta horumarka dhaqaale iyada oo la abaabulayo ganacsi abuur shaqsi ah: (i) waxa maqan nidaamin heer qaran oo deegaan iyo bulsho (waxa sidoo kale maqan inta badan shuruucdeedii); (ii) waxa maqan, ama si liidata u shaqeeya qaybta adeegga deegaanka (tusaale ahaan adeegyada biyaha iyo laydhka, bulaacadaha iyo qashin qubka). Sidaasdarteed, marshuucu waa inuu maanka ku hayaa arimaha deegaan ee ka dhalan kara maqnaanshaha adeeg biyood, (tusaale ahaan ceelal gaar loo leeyahay/ceelal hoos u qodan oo ku yaal goobo aan cidina ogayn ama maamulin), adeegga laydhka (mishiino laydh oo gaar loo leeyahay oo sii daayaa buuq iyo qiiq) iyo maaraynta iyo qubidda gaasta hawada lagu sii daayo, qashinka dareeraha ah iyo ka adkaha ah (qiiqa aan la nidaamin, diiqaynta hawada iyo oogada biyaha/biyaha dhulka gudihiisa ku jira, qashin qubidda aan la nidaamin/la maamulin). Waxa tan sii cadaynaya, ma jirto caasimad ku taal geyiga Soomaalida oo leh tas-hiilaad qashin qub oo loo qaabeeyey hanaan casri ah una shaqeeysa si la aqbali karo, mana laha sidoo kale wershed shaqaynaysa oo lagu daweeyo biyaha qashinka ah, sidaasdarteed, korriin degdeg ah oo ay samayso tusaale ahaan wershad wax soo saar, habayn ama wershad yar waxay ku keeni kartaa dhibaato adeegyada deegaanka. AWOODDA HAY’ADEED EE ILAALINTA SIYAASADAHA Soomaaliya waa dal nugul oo colaadi saamaysay oo ka soo baxaya colaad socotay 20 sanadood, awoodda hay’adeed ee dalku u leeyahay inuu ilaaliyo siyaasado waa mid aad u hoosaysa. Sidoo kale shuruucda qaran ee maaraynta iyo qiimaynta deegaaku waxay hadda u jirtaa qaab liidata taas oo daruuri ka dhigaysa in la qaato halbeegyo iyo siyaasado debedeed (external policies and standards) sida siyaasadaha ilaalinta iyo halbeegyada Banigaga Aduunka. Dhinac kale oo ka mid ah nidaaminta iyo hay’adaha deegaan waa maqnaanshaha, ama si liidato u shaqaynta qaybta adeegga deegaanka (tusaale ahaan adeegga biyaha, bulaacadaha, qashin qubka). Sidaasdarteed, marshuucu waa inuu maanka ku hayaa arimaha deegaan ee ka dhalan kara maqnaanshaha adeegyo biyo, (tusaale ahaan ceelal gaar loo leeyahay/ceelal hoos u qodan oo ku yaal goobo aan cidina ogayn ama maamulin), adeegga laydhka (mishiino laydh oo gaar loo leeyahay oo sii daaya buuq iyo qiiq) iyo maaraynta iyo qubidda gaasta hawada lagu sii daayo, qashinka dareeraha ah iyo ka adkaha ah (qiiqa aan la nidaamin, diiqaynta hawada iyo oogada biyaha/biyaha dhulka gudihiisa ku jira, qashin qubidda aan la nidaamin/la maamulin). Ma jirto caasimad ku taal geyiga Soomaalida oo leh tas-hiilaad qashin qub oo loo qaabeeyey hanaan casri ah una shaqeeysa si la aqbali karo, mana laha sidoo kale wershed shaqaynaysa 3 oo lagu daweeyo biyaha qashinka ah, sidaasdarteed, korriin degdeg ah oo ay samayso tusaale ahaan wershad wax soo saar, habayn ama wershad yar waxay ku keeni kartaa dhibaato adeegyada deegaanka. Wada hadal dhow oo lala yeesho goobaha adeegyada bixiya iyo dawladaha hoose waxay caawin doonta sidii loo tilmaami lahaa khataraha waa wayn loona qaabayn lahaa talaabooyin lagaga hortegayo, loo yareeynayo islamarkaana waxa lagaga qabanayo. Sidoo kale, mashaariicda Bangigu maalgeliyo ayaa ku hawllan inay wax ka qabtaan hawlahaas, tusaale ahaan maaraynta qashinka Hargeysa waxa ku hawllan marshuuca horumarinta magaalooyinka. MAARAYNTA DEEGAAN IYO BULSHO IYO TALAABOOYINKA WAX KA QABASHO Si wax looga qabto loona maareeyo khataraha kor lagu soo qeexay, marshuucu wuxuu wataa qaab- dhismeedkiisa maaraynta deegaan iyo bulsho oo sal dhigaya shuruudaha cabirka deegaan iyo bulsho, khataraha waa wayn iyo raadka taban oo la sii tilmaamay, sidoo kalena wax ka taraya kala shaandhaynta, qiimaynta, iyo hababka iyo talaabooyinka maarayn. Qaab-dhismeedka maaraynta deegaan iyo bulsho wuxuu sidoo kale wax-ka tarayaa sidii loo tilmaami lahaa qaababka ku haboon ee loogu samayn karo qiimayn iyo maarayn raadka taban ee la filayo, iyada oo la dejinayo waxyaalo kala sar-sareeya oo ka hortag ah, yarayn, wax ka qabasho iyo dhayid/kabid. Qaab-dhismeedkan maaraynta deegaan iyo bulsho wuxuu koobsanayaa xadka la filayo ee hawlaha taageerada maaliyadeed (deeqo) ee ku wajahan ganacsiga dhexe, iyo ka yar yar ee qaybta gaarka loo leeyahay. Qaybahan soo socda ayaa faah-faahinaya shaqada qaab- dhismeedka: SHAANDHAYNTA DEEGAAN IYO BULSHO EE MARSHUUCA kala shaandhayn deegaan iyo bulsho waxay qayb ka noqonaysaa si joogto ah hanaanka dib-u-eegista iyo ansixinta codsiyada deeqaha ee soo gaadha marshuuca. Maareeyaha Sanduuqa (Fund Manager) (SBF/2 Sanduuqa Ganacsiga Somaliland/Sanduuqa Ganacsiga Soomaaliya 2) wuxuu yeelanayaa qiyaastii 10 ilaa 12 shaqaale joogto ah (oo 25% ay noqonayaan khuburro caalami ah). Khabiiro caalami ah oo mudo gaaban shaqaynaya (oo leh xirfado iyo takhasus gaar ah, tusaale ahaan maaraynta Deegaan iyo bulsho) ayaa sidoo kale hadba imanaya Soomaaliya oo gacan ka gaysanaya si joogto ah dib-u-eegista codsiyada (proposals). Sidoo kale waxa jiri doona koox gorfeeyayaal ganacsi ah (business analysts) oo taageeri doona habka gaadhitaanka, caawimo ka gaysan doona diyaarinta codiysada (proposals), taageeri doona dib-u-eegista codsiyada, islamarkaana qaban doona diiwaangelinta (documentation) iyo sidoo kale dib-u-eegista iyo kormeerka inta lagu jirin fulinta. Habka codsiyada loo soo gudbinayaa wuxuu marayaa talaabooyinkan soo socda: 1.) Maalgashatada waxa loogu yeedhi doonaa inay u soo gudbiyaan sanduuqa codsiga maalgashiga oo ka kooban laba bog ka hor mudo la cayimay. 2.) Kooxda sanduuqu waxay qiimayn ku samaynaysaa codsiyada iyaga oo ku salaynaya shuruudo cayiman oo daah-furan, waxayna soo saarayaan codsiyada gudbay (shortlisted) oo dadka leh loogu yeedhayo inay soo gudbiyaan dalabkooda ganacsi oo dhamaystiran (full business case) ee codsiga maalgashiga. 3.) Maalgashaduhu wuxuu diyaarinayaa dalabkiisa ganacsi oo dhamaystiran, wuxuuna soo gudbinayaa ka hor mudo la cayimay. 4.) Kooxda sanduuqu waxay qiimaynaysaa codsiga buuxa oo waxay soo saaraysaa codsiyada gudbay oo Sanduuqu u gudbinayo Kooxda Ka-talo Bixinta Deeqda (Grant Advisory Panel) si ay dib ugu eegaan. Kooxda Ka-talo Bixinta Deeqda oo ka kooban wasiirro iyo ururo bulsho rayid ah waxay dib-u-eegis ku samaynayaan codsiyada iyo talooyinka codsi walba iyo inay 4 buuxiyeen iyo in kale shuruudaha iyo faa’iidooyika bulsho ee uu doonayo in la helo sanduuqa iyo dalku. 5.) Arimaha deegaan iyo bulsho waxa la siinayaa tixgelin dhamaan marxaladaha kala shaandhaynta. Tusaale ahaan, hadii marshuucu la xidhiidho hawlo ku jira kuwa la aqoonsaday inay yihiin kuwo taban, waa la diidi karaa iyada oo lagu salaynayo sababaha deegaan iyo bulsho. Dib-u-eegista faah-faahsan ee deegaan iyo bulsho, iyo hawlgelinta qalab gaar ah oo deegaan iyo bulsho waxa la qaban doonaa marka la marayo talaabada afraad ee kor ku xusan. Buug-yaraha Deeqda (Grant Manual) oo ah ka hagaya ficilada Shirkadda Maamulka Sanduuqa (Fund Management Company) waxa ku jiri doona qayb si cad u tilmaamaysa sida arimaha la xidhiidha ilaalinta loola tacaalayo. Hababkan soo socad ayaa la dhigayaa: a) Buug-yaraha waxa ku jira hawlo khadka cas ku jira/hawlaha taxa taban ku qoran oo ah kuwo aan la taageeri doonin. Kuwan waa lala socodsiinayaa oo waa la gaadhsiinayaa codsadayaasha marka loogu yeedhayo inay soo gudbiyaan codsiyadooda. Codsadayaasha soo gudbiya codsiyo arimo ku jira taxa taban waa la diidi doonaa codsigooda, islamarkaana Sanduuqu wuxuu sida caadiga ah uga warbixin doonaa dabeecadda iyo tiro-koobka (statitics) codsiyada caynkaas ah. b) Buug-yaraha Deeqda waxa ku jira tax ay ku jiraan hawlo la hubinayo oo ah kuwo u baahan baadhitaan dheerad ah (hawlaha calanka liimiga ah “orange flag activities) oo uu marka hore sameeynayo khabiir ilaalin oo tabobaran oo ka tirsan kooxda Sanduuqa, marka danbena uu samaynayo khabiir ilaalinta oo ka tirsan Bangiga Aduunka. Codsiyada caynkaas ah waxa si dhow isha ugu haynaya khabiiir ilaalin oo ka baxsan sanduuqa (external) oo uu shaqaalaysiiyo Maareeyaha Sanduuqa, khabiirkaasina wuxuu diyaarinayaa warbixin kooban oo sheegaysa in codsigu yahay mid badqaba iyo inuu yahay mid khatar ah, isaga oo raacaya qaab-dhismeedka hawlaha haboon ee ku dhigan Buug-yaraha Deeqda. Sidoo kale waxa la soo jeedinayaa talaabooyinka ilaalin oo haboon kuwaas oo inta badan loo soo gaabinayo ESMP. c) Si loo kala shaandheeyo taxa togan/taban ayaa la sameeyey kaas oo loo isticmaali doono kala abla-ablaynta hore ee marshuuca (iyo tirtiridda kuaw aan u qalmin) iyo ka shaqaysiinta danbe ee talaabooyinka ilaalin. d) Warbixinaha waxa hubinaya oo xaqiijinaya Khabiirka Ilaalinta ee Bangiga Aduunka, sidoo kalena wada tashi ayaa lagu yeelanayaa fariin diraha interneetka (email) ama telefoon hadba sidii daruuri ah, ka hor inta aan loo gudbin cidda kama danbays ahaan u soo baxday (final shortlist) Kooxda Ka-talinta Deeqda si ay dib ugu eegaan oo go’aan uga qaadhaan. HAWLGELINTA QAABABKA DEEGAAN IYO BULSHO Qoraaladda Marshuca ayaa dejinaya hawlaha, tilmaamaya hawlaha aan la aqbali doonin, sidoo kalena u kala abla-ablaynaya hawlaha la aqbali karo qaybo ku salaysan khataraha deegaan (A= khatar, B= khatari ka iman karto C1= khatari ka iman karto marka ay jiraan duruufo gaar ah; C2= aan khatar lahayn). Maaraynta Deegaan iyo Bulsho iyo Talaabooyinka Wax ka Qabasho darteed hababkan soo socda ayaa la doorbiday: Guud haaan, laba nooc oo wax ka qabad arimaha deegaan iyo bulsho ayaa laga filayaa marshuuca, kuwaas oo loo hawlgelinayo si ku xidhan habka kala shaandhaynta. Sidaasdarteed, afar suurtagalnimo ayaa ka dhalan kara habka kala shaandhaynta marka laga eegayo dhinaac khataraha iyo raadka deegaan iyo bulsho: 5 1. In marshuucu aanu lahayn raad deegaan iyo bulsho; markaas looma baahanayo maarayn deegaan iyo bulsho, ama kormeer dheeraad ah oo lagu sii sameeyo marshuuca (waxa tan lagu tilmaamayaa C2); 2. In marshuucu uu leeyahay raad yar oo deegaan iyo bulsho kaas oo maxalli ah, dabeecad ahaan wax dhaca ah, si sahlanna loo tilmaami karo islamarkaana wax laga qaban karo iyada oo shaqo wanaagsan la fulinayo lana qaadayo talaabooyin wax ka qabasho oo sahlan. Mashruucyada cankaas ah qaabka hagaajinta arimaha deegaan iyo bulsho ayaa la diyaarinaaya waxaana la qeexayaa waajibaadka iyo la xisaabtanka saaran mulkiilaha marshuuca si waafaqasan shuruudaha ay tahay in la raaco (ee ku suntan C1). 3. In marshuucu leeyahay raad deegaan oo wayn (oo gaadhsiisan B) oo u baahan baadhitaan wayn iyo gorfayn ka hor qeexidda iyo qaabaynta talaabooyin waxtar leh oo lagu maaraynayo arimaha deegaan iyo bulsho. Marshuucyada caynkaas ah qiimayn raadka deegaan iyo bulsho oo faah-faahsan waa in la sameeyaa si loo qiimeeyo raadka ka dhashay, loo tilmaamo talaabooyin wax lagaga qabanayo oo ku haboon, iyo si loo siiyo xog asaas u ah qaab-dhismeedka maaraynta deegaan iyo bulsho. 4. In marshuucu noqdo mid ka mid ah hawlaha aan la aqbali karin ee ku jira taxa taban ama marshuucu uu leeyahay khatar deegaan iyo bulsho oo gaadhsiisan qaybta ku suntan A. marshuuca caynkaas ah wax tixgelin maalgelin ah lama siinayo. Marka ay tahay sida ku cad qodobkan 4 ee sare ku xusan, hawlaha aan la aqbali karin, qaab-dhismeedka maaraynta deegaan iyo bulsho wuxuu tilmaamayaa shuruudo caalami ah oo marka laga yimaado hawlaha gaarka ah ee marshuuca la soo gudbiyay ku qoran, ka dhigaya marshuuca mid aan la aqbali karin: • Nooc kasta oo ka mid ah dhul yeelasho ama degid aan la ogolaan; • Hawlo la rabo in laga fuliyo dhul la ilaaliyey (protected areas), • Soo saarista ama ka ganacsiga hubka/maandooriyaha/xayawaanka duur joogta ah, • Wax-yeelis ama wasakhayn dhul biyo ku hoos jiraan (aquifers), • Hawlo qabad keenaya soo saarista qiiq sumaysan, qashin dareere ah, hadhaaga wax soo saarka ama qashin. HANAANKA CABASHADA Hanaanka cabashadu wuxuu u ogolaaayaa kooxaha ama daneeyayaasha ay saamaysay inay kala xidhiidhaan fuliyayaasha ama mulkiilayaasha marshuuca arimo ay ka walaacsan yihiin ama leh raad aan wax laga qaban. Waxay u samayn karaan hab cabasho gaar ah oo ku saabsan khasaare/dhaawac, walaac ku saabsan marinka hawlaha marshuuca, ama wax ay u haystaan inuu yahay dhacdo ama raad. Halbeegyada Banigaga Aduunku waxay u dhigayaan shuruudaha cabashada mashaariicda qaarkood. Hanaanka cabasho waa inuu qabtaa oo fudaydiyaa xallinta walaaca iyo cabashooyinka hay’adaha ama bulshooyinku ay sameeyeen. Walaacyada waa in wax looga qabtaa si dhaqso ah iyada oo la isticmaalayo hanaan la fahmi karo oo cad oo dhaqan ahaan haboon si diyaar ahna ay u isticmaali karaan dhamaan qaybaha bulshada ay saamaysay, iyada oo aanay jirin qarash laga qaadayo iyo talaabo aargoosi ah toonni. Hanaankaasi wuxuu noqon karaa telefoon mar walba la heli karo, cinwaan fariin diraha interneetka (email), iyo goob jirta oo cabashooyina lagu soo gudbin karo qoraal ahaan ama af ahaan. Si loogu maareeyo cabashooyinka qaab waxtar leh, marshuucu wuxuu yeelan doonaa Gudida Wax ka Qabashada Cabashooyinka oo loo aasaasay inay wax ka qabtaan cabashooyinka la xidhiidha walaac deegaan iyo bulsho. Gudida waxa laga aasaasi doonaa heer marshuuc, mana laha wax awood sharci oo ku dhigan xeerka dalka. Gudidu waxay ka koobnaan kartaa: 6 1. Wakiil ka socda dadka marshuucu saameeyey; 2. Wakiil ka socda madaxa dalka/qaybta dalka 3. Wakiilo ka socda wasaaradaha ay khuseeyso (line ministries) 4. Qandaraaslaha/injineerada 5. Wakiilo ka socda dumarka iyo dhalinyarada 6. Wakiil ka socda ururo aan dawli ahayn ama ururo bulsho oo si fir fircoon uga hawlgala deegaanka marshuuca. Gudidu waxay yeelan doontaa masuuliyadda inay dabo gasho dhamaan cabashooyinka, ay xaqiijiso inay arinka la xidiidhaan iyo inay run yihiin, islamarkaana hadii ay haboon tahay ay u tilman siiyaan cidda ka masuulka ah sababta keentay cabashada. Gudidu waa inay samaysaa dhex dhexaadin si loo gaadho xal lagu qanci karo, waana inay ka caawidaa in loo gudbiyo cabashada laamaha dalka ee ikhtisaaska u leh, hadii si lagu qanci karo aan loo xalliyin. 7